Shir-Guddoonka Goleyaasha Baarlamaanka Iyo Dulucda Qoddobadii ay la Soo Qaadeen Nicholas Key

0
536

Hargeysa (Dawan) – Wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Somliland iyo Soomaaliya Nicholas Key, oo safar ku yimid dalka ayaa shalay  waxa uu kulan la yeeshay shirgudoonka labada gole ee Guurtida iyo Wakiiladda Somaliland.
Kulankaasi oo ka dhacay xarunta baarlamaanka Somaliland ee Hargaysa, isla markaana ay warbaahintu banaanka ka joogtay ayaa ka dib markii uu kulankaasi soo dhamaaday waxaa saxaafadda si wada jir ah ula hadlay   gudomiyaha golaha Wakiilada  Cabdiraxmaan Maxamed Cadilaahi (Cabadiraxmaan Cirro) iyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Guurtida  Siciid Jaamac Cali.
Ugu horayn Gudoomiyaha golaha Wakiiladda C/raxmaan Cirro, ayaa arrintaasi ka hadlay waxaanu yidhi   “Shi-rguddoonka baarlamanka Somaliland ee guurtida iyo wakiiladu waxay kulan la yesheen Ergayga Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana uu shirguddoonku uga waramay Xaalada ammaan ee dalka Somaliland, haday tahay doorashooyinka qaranka iyo haday tahay Horumarka ay Somaliland ku talaabsatay iyo Xuduudaha Somaliland iyo shaqo la’aanta dhalinyarada.”
 
Waxaanu intaasi ku daray  “Waxaanan ergayga Xoghayaha Guud Siinay Warbixin ku saabsan arrimahaas oo dhan,Waxaanan ka codsanay In Qaramada Midoobay ay ka shaqeeyaan sidii ay somaliland U Horumarin lahayeen Dhalinyaradana Shaqo Ugu Abuur lahayeen” ayuu yidhi C/raxmaan Cirro.
Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtidda ahna ku simaha guddoomiyaha Siciid Jaamac Cali, ayaa isna   ka warbixiyay kulankaasi  ay xarunta golaha Guurtida kula qaateen Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Nicolas Kay, waxaanu yidhi   “Waxaanu warbixin ka siinay awoodaha uu golahan guurtida siinaayo dastuurka qaranka Somaliland iyo shaqooyinka uu golahani qaranka u qabto, waxa kale oo aanu  warbixin ka siinay baahiyaha uu golahani qabo sida uu  wax noogala qaban karo ayuu yidhi  ku simaha gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali waxaa kale  oo uu intaa ku daray in ay  wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalialnd iyo Soomaaliya ay warbixin ka siiyeen  marxaladaha kale duwan ee Somaliland soo martay iyo halka ay maanta marayso, waxaanu yidhi isaga oo  hadalkiisa  sii wata waxaanu warbixin ka siinay heerarkii kale duwanaa ee Somalialnd soo martay”.
 
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu u cadaynay mawqifka Somaliland ee dhinaca xuduudaha ku simaha guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali, waxa kale oo uu sheegay inay wakiilka ka codsadeen in uu masuuliyiinta beelaha Harti si gaar ah ula kulmo, oo uu mawqifkooda dhegaysto maadaama uu Puntland kula soo kulmay madaxda dhigooda,baashaasi waxaanu yidhi isagoo hadalkiisa sii wata wakiilka waxaanu ka codsanay inay si gaar ah ula kulmo madaxda Somaliland ee ka soo jeeda beesha Harti dhegaystona mowqifkooda ku aadan kooxda Khaatumo la baxday iyo xadgudubyada Puntland ku hayso, deegaanada ay beeshaasi degto, rayigoodana dhegaysto maadaama uu markii hore si gaar ah Puntland kula soo kulmay  masuuliyiin sheeganaayay beelahaas Harti, waxaanu naga aqbalay codsigaasi”.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply