Faa’iidada Caafimaad ee cadayga’ Dawo Islaamku Yaqaanay Oo Imika La Ogaaday

0
1457

Waxaa dhacda wax kasta oo ay Islaamku hore u ogaayeen oo ay ugu dhaqmayeen diin ahaan isla markaana faaiido wayni ugu jirto nolosha aadamaha in ay yidhaahdaan gaaladu waa daraasad aanu imika ogaanay,waxaanay imika xaqiijiyeen in cadayashadu ay dawo ka tahay cudurada ku dhaca wadnaha.
.
 Mac-hadka xanuunada ku dhaca wadnaha u qaabilsan dalka Maraykanka oo iyaga laftoodu baadhitaan dheer muddo sanado ah ku hayay qaabka looga gaashaman karo xanuunada wadnaha ku dhaca ayaa sheegay in nadiifinta ilkaha iyo afku ay wax badan ka tarto, ka hor tagna u noqon karto xanuuno badan oo ku dhaca wadnaha.
 
Sida dhakhtar u hadlay kooxda maamusha Mac-hadka xanuunada wadnaha daraaseeya ee dalka Maraykanka oo la waraystay sheegay, cadayga badani waa habka ugu haboon ee hoos u dhiga xanuunada wadnaha asiiba, taas oo sabab ay u tahay in afka iyo laabta uu ka soo jaro, balqanka fadhiista oo ay dhex gasho, bakteeriyo dhalisa jeermis keena neef qabatow ka dibna sababa in oxygen tu ku yaraato wadnaha oo uu xanuun ku dhaco.
 
Daraasad kale oo iyadana laga sameeyay dalalka Jarmalka iyo Shiinaha oo todobaatan kun oo qof lagu waraystay ama la mariyay ayaa muujisay in qofba qofka uu ka cadayasho  badan yahay uu kaga fiican yahay caafimaadka, isla markaana xanuunada wadnaha ku dhaca iyo kuwa sababa wadno istaagga, faaligga iyo xanuunada xidhiidhka la lihii ay aad ugu yar yihiin.
 
Warbixinta ugu cajiibsan ee sida wayn faa’iidada cadayga uga marag kacday ayaa ahayd mid laga sameeyay dadka saxaraha afrika ku dhaqan oo iyagu maalintii oo dhan cadayga isticmaala si ay iskaga yareeyaan haraadka iyo cuno qalalka kulaylka saxaraha, dadkan ayaa kun qof oo la baadhay la ogaaday in boqolkiiba 99% ay ka nabad galaan xanuunada wadnaha ku dhaca iyo faaliga, dadkan oo caado ahaan u isticmaala cadayga isla markaana ah dad muslim ah waxa ay noqdeen kuwa ugu caafimaadka badan dadyawga caalamka oo dhan, taasoo ay ugu wacan tahay cadayga badan ee ay isticmaalaan.

Leave a Reply