Mucaaridka Iyo Xukuumadda Laba Diiwaan Oo kala Fog Ha Loo Furro

0
847

Waxaan jecelahay inaan aragtidayda ka dhiibto  diiwaan-Gelinta madaniga ah ee mucaaridku ka digayaan oo Ahayd Qorshe haddii ay lexejeclo weyn ay wadankooda Ka Qabaan ay taageerro la barbar istaagi lahaayeen.

 Diiwaan-gelinta madaniga ahi oo lagu bixinayo Nation ID Card (kaadhka jinsiyadda) waa mashruuc qaran oo ay Tahay in inta samaha jecel iyo dadweynuhu codkooda ku Biiriyaan taageeradiisa. Maxaa yeelay, waa qoddob Muhiim ah oo ALLE ku ilhaamiyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo leh hal-abuurnimo ay ku Ikhtiraacdo mashaariicda waxtarka leh.

Diiwaan-gelinta madaniga ahi waxay sii adkaynaysaa Aftidii loo qaaday dastuurka dalka 31-kii bishii May 2001-Dii, xiligaas oo ummad-weynta Somaliland ay 97%  ku Caddeeyeen inay taageersan yihiin jiritaanka iyo gooni Isku taaga Somaliland, waxay ahayd in maalintaasi la Bilaabo qorshahan, hase yeeshee waxaan qabaa in la Gaadhay xiligeedii waxaanay dawladda KULMIYE  u soo Jiidi doontaa sumcad, waxaanay ku dhici doontaa Diiwaankooda wax-qabadka ay dalka ka fuliyeen oo ah Wax Qiimo u yeelay dalka iyo dadka Somaliland.

Waxaan runtii  xukuumadda u soo jeedinayaa inaanay ka Baaqsan fulinta himiladaasi qaran ee diiwaan gelinta Madaniga ah, balse ay shuruudu noqoto inaanay innaga Habsaamin doorashooyinka dalka lagu wado inay ka Dhacaan Dalka badhtamaha sanadka soo socda ee 2015-Ka.

Waxaanan  qabaa in shacbiga oo waayo-arraga u ah Nolasha iyo siyaasadda ee Somaliland ay laba diiwaan oo Aad u kala fog ay xukuumadda iyo mucaaridka mid waliba Halka uu iska taago ugu rikoodh garayn doonaan marka la Eego dadka doonaya inay jalaafooyinka u dhigaan Diiwaan-gelinta madaniga ah oo ah  haddii uu fulo, Tallaabo loo qaaday xaga horumarinta iyo waddaniyadda.

Ismaaciil Cabdi Haybe

Leave a Reply