Gabadh reer Hindiya ah oo Ey guursatey

0
562

Gabadhi reer Hindiya ah oo da’deedu tahay 18 jir ayaa dalkaasi loogu qabtay xaflad aad u balaadhan ,taas oo loogu dabaal degaayey arooskeeda,caruuska ayaa ahaa Ey ay gabadhaasi lahayd ,waxaanay noqotay mid aad loola yaabay markii la arkay,arooskan oo ka dhacay tuulo dalkaasi Hindiya kamid ah ayaa gabadhu sheegtay inay sidani tahay sida la fiicnaatay.
Mangle Munda ayaa ah gabadh da’ahaan jirta 18 sanno ,waxaanay ku dhalatay degan tahayna tuulo lagu magcaabo Jharkhand oo ku taala barriga dalkaasi Hindiya,waxaanay eygan guursatay kadib markii ay xafladaasi usoo qaban qaabiyeen wadaadada tuuladaasi,iyada oo madaxa qabiilka halkaasi degani amray in arrintaasi la sameeyo,waxaanu tilmaamay inay gabadhani ku sugan tahay xaalad xun,kanina u noqonaayo belaayo xijaab.
Waxaanu tilmaamay ninkaasi in haddii loo dhiso wiil ay rogmanayaan reerkoodu,sidoo kalena dadka halkaasi degani ay gebi ahaanba noqonayaan kuwo la waayo,sidaasi darteena eygaasi ayuu u keenay una dhisay ,waxaanu eygaasi u bixiyey  Shiro,waxaanu xafladaasi ku wehelinaayey waalidka dhalay gabadhaasi ,gaar ahaana aabaha gabadhan dhalay,iyada oo lagu siday gaadhi kuwa qaaliga ah ee limuusiiga loo yaqaano,waxaana markii xaflada uu soo gaadhay soo dhoweeyey dadkii marti sharafta ahaa ee xaflada ku sugnaa.
Badhan lagu magcaabo Munda oo ka hadashay guurkeedan ayaa sheegtay in aanay tegin wax School ah ,iyada oo sheegtay in aanay ku faraxsanayn inay guursato Eygan,laakin ay sheekhyada tuuladani soo jeediyeen in loo dhiso si ay uga baxdo xaaladan xun ee ay ku jirto,iyada oo ka hadlaysana waxay tidhi “waxaan guursaday eygan ,waayo sheekhyadda tuulada ayaa aaminsan in uu iga saaraayo xaaladan xun ee aan ku jiro,waxaanu noqon doonaa ninkayga,kaas oo aan rajaynaayo inaan la wadaago nolol dheer”.
 
Dhacdadan ayaa noqotay mid aad loogu hadal hayo dalkaasi ,iyada oo ay qoreen kuwo badan oo kamid ah saxaafada caalamku.
 
 

Leave a Reply