Waxa Ay Isguursadeen 62 Sanno Kadib Jacayl Aamusnaa!

0
653

Howard  iyo  Otbera waa laba lamaane oo dhowaan is guursaday kadib markii ay is jeclaayeen muddo 50 sanno ku dhowaad ah oo ay is jeclaayeen,waxaanay is jeclaadeen kadib markii ay isku barteen iskuna jeclaayeen si dhakhso ah oo kediso ah ,siday iyaguba sheegeen.
Waxaanay iminka is guursadeen iyaga oo da’ahaan gaadhey 92 sanno jiro ah,waxaanay noqotay mid mucjiso ah ,iyaga oo isku guursaday wadanka ay u dhasheen ee Maraykanka,waxaanu ahaa waqtigaasi ay isbarteen waqti ay ku adkayd inay isu sheegtaan jacaylkaasi,madaama oo uu Howard ahaa nin xidhan.
Howard wuxu waqtigaasi ahaa waqti uu ku jiray xagaa ,isaga oo ahaa nin muddo dheer shaqo adag ku jiray,waxaanay waqtigaasi ahayd ay is jeclaadeen 1950 kii,waxaanu u shaqaynaayey Howard shirkad la odhan jiray Cynthia Riggs,iyada oo sidoo kalena ay gabadhaasi lagu magcaabo Otbera  da’ahaan tahay waqtigan 82 sanno.
Waxaanay sheegtay inay aragtidii ugu horeysayba jacayl ku dhacay,waxaanay warqadii waqtigaasi ka dib ugu horeysay ay ka heshay ninkeda ay waqtigan is calfadeen  ka heshay sannadkii 2012 kii,waxaanu ugu sheegay siday tilmaantay in aanu weli joojin jacaylkii uu u hayey,isaga oo ka dalbaday inuu la kulmo waqtigaasi,waanay ka yeeshay,waxaanay kulmeen in ka badan 6 qarni kadib,waxaanu guursaday sannadkii hore.
Waxaanay is guursadeen iyaga oo ku guulaystay jacaylkaasi mudada huursanaa,waxaanay ku nool yihiin iminka gurigooda oo ku yaala Martha’s Vineyard  oo kamid ah gobolka Massachusetts ee dalkaasi Maraykanka.

Leave a Reply