Maraykanka iyo dalka Turkiga

0
678

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, ayaa shalay  u duulay  dalka Turkiga, isagoo sii wada booqashadiisa bariga dhexe si uu taageero ugu helo dadaalka uu wado ee ka dhanka ah dagaal yahaniinta dowladda Islaamiga ah.
Turkiga waa dalka keli ah ee ku jira isbeheysiga NATO, laakiin waxa ay tilmaamtay inaysan bixineynin taageero militari.
Turkiga waa xubin firfircoon oo ka mid ah isbeheysiga ka soo horjeeda madaxweynaha Suuriya Bishaar Al-asad, waana meesha ay ka gudbaan mucaaradka ugu weyn ee ka dagaalamaya Suuriya.
Hadaba, Mareykanka waxa uu Ankara u arkaa saaxiib aad muhiim ugu ah ololaha ka dhanka ah dowladda Islaamiga, oo maamusha qeybo badan oo ka mid ah dalka Suuriya.
Mr Kerry waxa uu la kulmi doonaa madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga.
Balse, madaxda dalka Turkiga waxay warbaahinta u sheegeen inaysan ka qeyb galeynin dagaal, aysanna aqbaleynin in saldhigga hawada ee koofurta dalka Turkiga in loo adeegsado howlgalka militariga oo ay NATO fuliso.
Taasi waa go’aanka ugu weyn ee dowladda Turkiga, sababtoo ah waxay u baqeysaa tabannaan qof oo Turkiga u dhashay oo dowladda Islaamiga ah ay afduubteen, oo ayna ka mid yihiin diblumaasiyiin iyo caruur.
Xilliyadii ugu dambeeyay Turkiga waxaa lagu eedeeyay inuu indhaha ka qabsanayo dhaqdhaqaqa dagaal yahaniinta ka soo gudbaya xuduudooda.
Laakiin cadaadis kaga imaanaya xulafadeeda, ayaa dhaliyay in aad ay u adkeyso ilaalada xuddudaheeda, waxayna qaaday tallaabooyiin ay wax uga qabaneyso dagaal yahaniinta ajaaniibta ah ee gudaha u galaya dalka.

Leave a Reply