Nin isu Ekaysiiyey Boqorka Morooko oo Sadex Sano Lagu Xukumay

0
463

Maxkamad ku taalla Dalka Morooko ayaa xukun sadaxe sanadood ah oo xadhig ah ku riday nin dhalinyaro ah oo isu ekaysiiyey Boqorka dalkaasi Boqor Maxamed-ka Lixaad.
Sida ay baahisay saxaafadda Dalkaasi ninkan waxaa la qabtay maalintii Arbacada ee Todobaadkan ka dib markii uu adeegsaday u ekaanshihiisa Boqorka isagoo khalday tiro badan oo ka mid ah ciidamada ammaanka iyo dadweynaha caadiga ah,halka sidoo kalena uu sawiro iskala qaaday boqolaal ruux oo ka dalbaday inay isla sawiraan.
Nabiil Subaaci oo 31 jir ah waxaa lagu qabtay guri uu ka deganaa Magaalada RABAT ee caasimada ah, iyadoo boolisku baadhis dheeraad ah ku sameeyey dhismahii uu deganaa, inkastoo uu dafiray dembiga lagu eedeeyey hadana Maxkamaddu waxay ku xukuntay xadhig sadex sanadood ah oo uu xabsiga banaankiisa ku qaadan doono.
Bar warbaahineed oo dhinaca electronic=ada ah oo khadka taleefanka ku waraysatay Mr Subaaci waxa uu u sheegay inuu u lebbistay qaabka Boqorka maadaama uu aad u jecel yahay, isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi: (waan jeclahay Boqorkayga, intii aan isu ekaysiinayey cidna ma caayin mana dulmin)),halka sidoo kalena uu caddeeyey in ciidamada ammaanku ay salaanta siinayeen marka uu ku soo dhowaado, isla markaana ay u furayeen wadada uu  marayo, iyagoo u haystay inuu yahay Boqorkii Boqortooyada Morooko Boqor Maxamed-ka Lixaad..
 

Leave a Reply