Qalab Ilaalinaya Caruurta Oo La Soo Saaray

0
437

Shirkadda LG Electronics (LG) ayaa waxay soo saartay qalab cusub oo ka mid ah kuwa ay dadku xidhan karaan.
Qalabkan oo gaanta loogu xidhayo caruurta ayaa sahlaysa inay waalidiintu ogaadaan halka uu ilamahoodu ku sugan yahay.
Qalabkan ayaa lagu magacaaba Kizon, waana mid si weyn oo heer sare loo qurxiyay oo waalidiinta ka kaalmayn doona in caruurta la waayo ama ay ku lumaan suuqyada iyo meelaha loo dalxiis geeyo.
Kizon oo adeegsanaysa nidaamka xadidayay goobaha Juquraafiyeed ama satalaytka aan lahayn layman xidhidhka ah,  ayaa wuxuu cadaynayaa goobta uu ilmuhu joogo.
Qalabkani wuxu leeyahay badhan la yiraa One step Direct Call, kaasoo waalidiinta u fududeynaya inay la xidhiidh la sameeyaan ilamahooda.
Waxaana yaab leh in baraarugtan uu ilmuhu gacanta ku xidhan yahay ay iskeed u kicinayso cod baahiye gudaha ugu jira oo sheegaysa xaaladda uu ilmuhu k sugan yahay haddii jawaab la’aanta  ilmuhu ay gaadho 10 ilbiqdhsi.
Baruurgatni cusub waxay wadataa Location Reminder oo dadka waaweyn u suurtagelinya inay hadba xusuusi goobta ay gaadheen.
 

Leave a Reply