Duxda Caanaha Laga Yareeyey Oo Yaraysa Buurnida!

0
501

Daraasad cusub ayaa sheegeysa in Caanaha laga saaray Duxda  ee la siiyo Caruurta ay ku ilaaliyaan misaan go’an oo isku dheeli tiran.
Caanaha ayaa lagu yaqaanaa in nidaam quudin oo dhameestiran laga helo waliba waxa ay aad ugu wanaagsan yihiin Caruurta aadka u da’da yar Caanuhu waa halka laga  helo maadada calciumka  iyo Fitimiin D kuwaa oo dhisa lafaha aadanaha gaar ahaan Caruurta ,khubarada waxa ay leeyihiin Caanahaa Duxda laga yareeyay waa u muhiim Caruurta oo waxa ay ka ilaalinayaan hilibka faraha badan
Sida laga soo xigtay wargeeyska  The Times qeeybtisa Cudurada Caruurta waxaa lagu sheegay in tan iyo snadkii 2005tii Khubarada ay ku talinayeen in caanaha Duxda laga yareeyay aaney faaiido sidaasi u balaadhan aysan u lahayn Caruurta ,sidoo kale Jamciyad shaqadeeda ay tahay cudurada ku dhaca wadnaha oo fadhigeedu yahay dalka Mareeyknaka ayaa sheegeeysa  Caanahaasi Duxda aan lahayn cabistooda ay caruurta ka weeyn labada sano ay u wanaagsan yihiin .
 
Natiijad laga gaadhay baadhitaano ay sameeyeen khubaro wax ka dhiga jaamacadda Firjiiniya ee dalka Mareeykanka lagu ogaaday in Caruurta la siiyo caanah Duxda badan ay ka cuslus yihiin 100% kuwa aan la siin caanahaasi, laakiin khubarada ayaa leh waxaa layaab inagu noqotay in natiijada ay caksi noqotay oo Caruurta Caba caanah Duxda ku yartay ay ka cuslaadeen kuwa kale ee caba caanah duxda leh.

Leave a Reply