Mudaneyaasha Wakiiladda Oo Cirro Ku Sanduleeyay In Goluhu Gudo-galo Xeerka Diiwaan-gelinta Madaniga ah

0
478

Hargeysa (Dawan) –Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa aqbalay in Golahaasi waajibaadkiisa ka guto xeerka diiwaan-gelinta madaniga ah oo uu olale balaadhan  ugu jiray sidii uu u dhicisayn lahaa xeerkaasi oo xisbigiisu si adag uga soo horjeedaan, ayaa si kadis ah ugu khasbanaaday inaanu xeerkan isku gudbin, ka dib markii Xildhibaanadda  aqlabiyadda Goluhu ay ku goodiyeen inay xilka ka qaadi doonaan haddii uu ka noqon waayo dagaalka cad ee uu kaga soo horjeedo xeerka diiwaan gelinta madaniga ah oo ah xeer-nidaamiye ahmiyad weyn u leh Somaliland.

Fadhigii shalay ee Golaha Wakiiladda oo ay ka soo xaadireen 52 Xildhibaan, ayaa  Guddoomiyuhu shaaca ka qaaday in Xildhibaanadda Goluhu ay Sabtida fooda innagu soo haysa gudo-geli doonaan dooda xeerka diiwaan-gelinta madaniga ah iyo codbixiyeyaasha. Weriyeyaasha DAWAN ee fadhigaasi goob jooga ka ahaa ayaa ku soo warramay in  wajigiisa guddoomiyuhu   shalay aad u qayirnaa, isagoo ka  uga xumaa In Xildhibaanadda Goluhu ku culays weyn ku saareen  inuu ku shaqeeyo nidaamka sharciga ah isla markaana uu ka tanaasulo inuu ku amar ku taagleeyo aqalka Wakiiladda oo qaranka u qaabilsan sharci dejinta. “Mudaneyaal waxaad la socoteen in Golaha la keenay xeerka qabyo-qoraalka diiwaan-gelinta muwaadiniinta iyo codbixiyeyaasha, Mudaneyaasha raba inay doodiisa ka qeyb-galaan ha is diiwaan-geliyaan,”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro, hase yeeshee  Xildhibaan  Cali Obsiiye Diiriye (Cali-Gabiley) ayaa ku dhawaaqay ereyo ay ka mid ahaayeen “Gudoomiye, dooda xeerkan Sabtida Innooga dhig” ka dibna waxa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu aqbalay soo jeedinta mudanahaasi waxaanu  u cayimay dooda xeerkan maalinta Sabtida ee fooda innagu soo haysa. Sabtidii Toddobaadkan ayaa Guddoomiye Cirro uu si kadis ah uga soo duulay dalka Imaaraadka carabta oo uu socdaal shaqo ku joogay, ka dib markii uu ogaaday in  Sabtidii Goluhu gudo-galayo xeerka diiwaan-gelinta, waxaanu subaxnimadii Sabtidii uu ka soo degay madaarka Hargeysa, isagoo  shandadiisii sita uu  galay hoolka Golaha Wakiiladda oo uu ka socday fadhi Xildhibaanadda loogu qeybiyay xeerka diiwaan-gelinta madaniga ah, ka dibna inta uu la wareegay gudoonkii Golaha ayuu sheegay in xeerkan aanu goluhu guddo geli doonaan, isagoo ku dooday in khaladaad badani ku jiraan qoddobadiisa. Gudoomiye C/Raxmaan Cirro waxa uu isla Sabtidii qoraal u qoray Guddida doorashooyinka qaranka oo uu ka dalbaday inay tallo bixin ka soo dhiibtaan xeerka diiwaan-gelinta madaniga, iyadoo Komishankuna ay qoraal ay ugu soo jawaabeen ugu caddeeyeen in aanay arrintaasi ahayn shaqadoodii hase yeeshee ay tahay hawl qaran oo u taalla Goleyaasha sharci dejinta. Geesta kalena  Fadhigii shalay ee golaha wakiilada  ayaa waxa ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xeerka asaaska hay’adda dhawrista tayada agabka. Fadhigan ayaa waxa ka soo xaadiray 52  xildhibaan oo ka mida 82-ka xildhibaan ee uu golahaasi ka kooban yahay. In xeerkan la ansixiyo waxa ogolaaday 49 xildhibaan, waxa diiday 1 xildhibaan, ka aamusay 1 xildhibaan, gudoomiyuhuna muu codayn. Sidaasna waxa ay golaha wakiiladu ku meel mariyeen xeerka asaaska hay’adda dhawrista tayada agabka oo in muddo ah horyaalay golahaas. Xeerkan ayaa waxa uu ka kooban yahay 45-qodob waxaana ku hawl gali doonta hay’adda dhawirta tayada agabka oo uu digreeto ku magacaabay madaxwaynaha Somliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) . Xeerkan oo ah xeer wax badan ka taraya sidii wax looga qaban lahaa loona hubin lahaa tayada badeecadaha dalkeena uga yimaada wadamada dibada sida dawada iyo cuntada oo iyagoo aan la baadhin tayadooda ay bulshadeenu isticmaalaan. Xeerkanina waxa uu si rasmi ah u dhaqan galayaa marka ay ansixiyaan golaha guurtidu madaxwaynuhuna saxeexo.

Leave a Reply