Dulucda Kulamo Madaxweyne Siilaanyo La Yeeshay Maamuleyaasha Dugsiyadda Sare, Jaamacadaha Iyo Ururadda Bulshadda
“Diiwaan-gelinta Muwaadiniintu waa Waajib ina wada Saaran In la Wada Qaato warqadda aqoonsiga Somaliland-nimadda, si aynu qaran-nimadeena u muujino” Madaxweyne Siilaanyo
Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa shalay xarunta madaxtooyadda waxa uu kulan kula yeeshay guddoomiyeyaasha jaamacadaha Hargaysa, Maamuleyaasha dugsiyadda sare iyo ururadda bulshadda ee maxaliga ah, waxaanu shaaca ka qaaday in qaran ahaan ay Somaliland hirgelin doonto diiwaan-gelinta madaniga ah.
Kulankaasi uu madaxweyne Siilaanyo la yeeshay bahda waxbarashadda oo ay ujeedadiisu ahayd sidii bahda waxbarashadu ay kaalin weyn uga qaadan lahaayeen diiwaan-gelinta madaniga ahi, ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirradda Arrimaha gudaha, waxbarashadda, madaxtooyadda, qorshaynta qaranka iyo wasiirudawlaha madaxtooyadda.
Waxa kale oo kulankaasi ka soo qayb galay guddoomiyeyaasha jaamacadaha Hargaysa, Maamuleyaasha dugsiyadda sare iyo guddoomiyeyaasha waxbarashadda ee goboladda dalka, sidoo kale waxaa iyagna kulankaasi joogay gudidda farsamadda ee diiwaan-gelinta madaniga ah iyo shirkadda Sahan oo iyadu ku guulaysatay fulinta diiwaan-gelinta madaniga, waxaanay shirkadda Sahan iyo gudidda farsamo halkaasi ku soo bandhigeen qaabka loogu shaqaynayo qalabka loo isticmaalayo.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo, oo hadal kooban ka jeediyay kulankaasi uu la yeeshay bahda waxbarashadda ayaa sheegay in diiwaan-gelinta muwaadinku ay tahay waajib saaran dhamaanba bulshadda reer Somaliland, isla looga baahan yahay qof kasta oo muwaadin ah gaar ahaana bahda waxbarashadda in ay si weyn uga qayb qaataan fulinta hawshaasi.
Waxaanu tilmaamay in diiwan-gelinta madaniga ah ay tahay mid lagu muujinayo in ay Somaliland tahay qaran jira oo madax-banaan, sidaas darteedna ay tahay xil wada saaran umadda Somaliland. Md. Siilaanyo ayaa ku guubaabiyay bulshadda qaybaheeda kala duwan in qof waliba uu si buuxda u guto xilka iyo waajibaadka qaran ee ka saaran ama kaga began hawsha diiwaan gelinta.
“Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, runtii diiwaan-gelinta muwaadiniintu waa waajib ina wada saaran in la wada qaato war-qadda aqoonsiga Somaliland-nimadda, markaa waxaan bulshadda kala duwan ku guubaabinayaa, gaar ahaana bahda waxbarashadda caam ahaan in laga wada qayb qaato, hawshaasi xilka iyo waajibka qaran ah ee ina wada saaran, oo cid waliba wixii kaga soo hagaaga ay ka qayb qaadato, si aynu qaran-nimadeena, dadnimadeena, muwaadin-nimadeena iyo wadani-nimadeena si aynu u muujino, oo wadan madax-banaan oo taagan oo Somaliland la yidhaahdo in aynu nahay si aynu u muujino, waa in laga wada qayb qaato” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Markaa waxa weeyi xil ina wada saaran oo aynu u baahan nahay bulshadeenu sida ay u wada dhan tahay oo ay bahda waxbarashadu ugu weyn tahay in aynu hawshaa ka wada qayb qaadano, oo aynu xilka inaga saaran si buuxda uga soo wada baxno, markaa waxaan idin leeyahay hawshaasi aynu wada fulino, aan xil iska saarno , waajibka inaga saarana qof walawba intii kaaga beegan ka qaado”.
Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran Cadde, oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay ujeedadda kulankaasi ayaa si balaadhan uga war bixiyay muhiimadda ay leedahay in muwaadiniintu ay qaataan kaadhka aqoonsiga jinsiyadda iyo sidoo kale marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay min bilawgii ilaa hadda hawsha diiwaan-gelinta madaniga ahi, Waxaanu yidhi “Waad og tihiin oo maalmahanba waxaynu ka hadlaynay arrinta diiwaan-gelinta madaniga ah iyo ta codbixiyeyaasha oo dadka qaar ay ka soo hor-jeedaan, waxaanan doonaynaa in aanu sida rasmiga ah ee ay wax yihiin aanu idiinla socod siino, sida loo gelayo, qalabka la isticmaalayo ee dalka la keenay iyo sida loo cadaynayo muwaadinku qofka uu yahay, waxaynu og-nahay dastuurkeena qodobkiisa 4-aad wuxuu qorayaa dalkeenan markii horena waxaynu ka mid ahayn Soomaaliya, imikana gooni isku taageenii ayaynu la soo noqonay, dalkiina waxa uu noqday Somaliland, dadkiisiina waxay noqodeen Somalilanders,
waxaynu u baahanay si aynu u gaadhno habka aynu doonayno in uu dalkeenu ku gaadho mustaqbalkiisa dhaw ee ictiraafka, in aynu dhamayno wax kasta oo looga baahan yahay dawladnimo ama shuruudo ah, shruuudahaasi waxaa ka mid ah qofka muwaadinka ahi in uu dhalasho leeyahay, dhalashadaasina wax la garanayo oo qoraal ah ay yihiin, in uu baasaboor leeyahay, in uu dal leeyahay, in uu ciidna leeyahay, in uu hay’addo dawladeed leeyahay. Arrinta bixinta kaadhka dhalashadda ee Somaliland waxay qayb weyn kaga jirtaa habka noocaas ah ee caalamku inaga sugayo, waxaa dhawaan la hindisay in la bilaabo kaadhkaasi oo dadka la siiyo, kaasi dhawr faa’iido leh, faa’iidooyinkiisa waxaa ka mid ah in qofka Somalilander-ka ah xaqiisa uu helo waxyaabaha xaqa loogu leeyahayna la siiyo, oo ay ugu horayso xaqa codaynta ama uu isagu wax doorto ama la doorto, kaadhkaasi waxa uu ka reebayaa dadka kale ee martida inoo ah in ay xaqaasi leeyihiin oo ay waxna doortaan lana dooran karo, dadkii waa aynu isku eeg nahay, waynu isku cod eeg nahay, waxaynu maanta u guntanay in aynu kaadhkeenii qaadano, kaadhkaasi waxaa ku lamaan ama ay is-garab socdaan kaadhka codbixinta doorashooyinka”.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in muddo shan sano ka hor ah la qorsheeyay in la bilaabo qaadashadda kaadhkaasi, isla markaana ay beesha caalamku innaga caawiso maadaama oo uu dhaqaaleheenu yar yahay. Hase yeeshee in muddo ka dib la waayay in beesha caalamku ay innaga caawiyaan dhaqaalihii labadaasi hab lagu wadi lahaa, in ay dawlad ahaan iyo ummad ahaanba go’aansadeen in sida dastuurkeenu qorayo lix bilood ka hor xiliga doorashadda uu qof waliba haysto kaadhka dhalashadda.
Cali Waran Cade, ayaa sidoo kale waxa uu ka waramay sababta keentay in wakhtigan dalka laga bilaabo diiwaan-gelinta madaniga ah. “Waxay noqotay haddii aynu sugno qaadhaan bixiyeyaasha oo lacagtii la daahay in wakhtigii doorashaddu uu ina soo guddo gallo, oo labadii kaadh ee ay ahayd in ay qaadhaan bixiyeyaashu inaga caawiyaan ay la raageen. Dabadeedna maadaama oo ay wasaaradda Daakhiligu u qaabilsan tahay qarankani in haddii sharciga inoo yaalla aynaan fulin dawlad ahaan iyo umad ahaan in khal-khalka ka yimaadda aynu hadhaw haddii ay dib u dhacdo kaadh dhalashadu oo uu wakhtigii doorashadda ka horayn waayo oo la garan waayo cida Somaliland u dhalatay, markaa masuuliyadda waxaa yeelanaysa wasaaradda arrimaha gudaha, haddiiba ay timaado in ay dib u dhacdo doorashadu. Si aan taasi uga baxsano markii aanu waxba ka soo saari waynay beesha caalamka waxay dawladu goosatay in aynu ku bixino lacagteena iyo dedaalka uu qarankani leeyahay, umadda reer Somaliland-na aanu la kaashano yar iyo weyn-ba. Taasina way noo hirgashay, waxay noqotay in aanu u helno lacag lagu soo iibiyo qalabkii cadayn lahaa ama lagu kaydin lahaa qofka Somalilander-ka ah, ee uu kaga duwanaan lahaa qofka martida ah ama ajaanibka ah. Kaadhka dhalashadu waxa uu fududaynayaa in dadku helaan kaadhka cod-bixinta, iyada oo sharcigeenu dhigayo in aan qofna la siinin kaadhka cod-bixinta haddii aan la cadayn muwaadin u dhashay Somaliland. arrintaasi anagu ka wasaarad daakhili ahaan kii aanu u xil saarnay waanu wadnaa, bishan labaatankeedda ayaana la bilaabayaa” ayuu yidhi wasiirka daakhiligu.
Isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan halkan ka sheego hadaladda maal mahan ka soo yeedhayay dadka qaar oo aad moodo in carqalad iyo is-faham waa loo gelinayo umadda reer Somaliland, oo aad idinku hormood u tihiin dadka mutacalimiinta ah ee loo baahan yahay in ay waxa saxda ahna faafiyaan, waxa khaldana ay dadka ka hor joogsadaan, labadaasi kaadh laba kaadh oo is-diidaya ma aha, laba kaadh oo kala fogna ma aha, laba kaadh oo is-riixayana ma aha, waxay ahayd in aanu sanad ka hor bilawno, hase yeeshee ilaa imika beesha caalamkana kama hayno, gudidda doorashooyinkana kama hayno ,qaabkii ay wax ku diiwaan-gelin lahaayeen, ee ay kaadhka muwaadinka u samayn lahaayeen, anaguna waxaanu bilawnay mar haddii ay iyagii waxba keeni waayeen ilayn laba qaybood ayaanu kala ahayne anagu taayadii haddii ay iyaga toodii habsaantay in aanay taayadii habsaamin. Waxaanu diyaar u nahay in qaadhaan bixiyeyaasha iyo komishanka doorashooyinkuba haddii ay wax hayaan marka qofka la siiyo kaadhka dhalashadda in ay na garab fadhiistaan in ay kaadhkii codbixinta siiyaan, haddii ay taasi lacagteedii waayaana waxaanu diyaar u nahay December ayaanu kaadhka dhalashadda 80% dhamaynayaaye in ay bilaabaan bixinta kaadhka cod-bixinta, waxa kale oo aanu diyaar u nahay haddii ay waxba waayaan in aanu ku caawino oo aanu ugu tabarucno qalabkayagan oo ay kaadhka iyagna bixiyaan.”
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa ugu danbayntii waxa uu fariin u diray maamuleyaasha iyo guddoomiyeyaasha dugsiyadda sare ee dalka iyo jaamacadaha, kuwaasi oo uu ku guubaabiyay in ay door aad u weyn kaga jiraan hirgelinta hanaanka qaadashadda kaadhka muwaadinka.
“Waxaan doonayaa in aan halkan idiinka soo jeediyo maadaama aad tihiin madaxdii cilmiga iyo caqligeena, waxyaabaha cadawgeena ee imikaba ina ashkatayana ee aan jeclayn in ay Somaliland horumarto oo ay buuxiso shuruudaha dawladnimo waxyaabaha khal-khalka ah ee ay bulshadeena ku soo dhex tuurayaan ee ay sida aan tooska ahayn is-kaga hor keenayaan, ee ay khaldka ugu sheegayaan, in aad noqotaan kuwa yidhaahda maya, ee dadkiina la booba cadawga si aan looga leexin tubta toosan iyo nidaamka qaran-nimo ee aynu ku socono, waxaad masuul ka tihiin inta bulshadda u badan oo ah ardayda, waxaanu goosanay in aanu ka bilawno jaamacadaha iyo dugsiyadda sare, waana in aad dhalinyaradaasi u sheegtaan sida saxda ah ee aynu halakn isula qaadano, in aad ka dhaadhicisaan qiimaha ay qaadashadda kaadhka dhalashadu u leedahay dadkeena, oo aan laga dhaadhicin figrado cadawgeenu dibadda ka soo abuuray oo la doonayo in lagu carqaladeeyo qaran-nimadeena iyo horumarkeena” ayuu yidhi wasiir Waran Cade.
Dhinaca kale, Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadna kulankaasi hadal ka jeedisay, ayaa u soo jeedisay maamuleyaasha iyo macalimiinta dugsiyadda iyo jaamacdaha in looga baahan yahay in ay kaalin wax ku ool ah ka qaataan hirgelinta diiwaan-gelinta madaniga, maadaama ay bulshadda qaybta ugu muhiimsan uguna badan ay iyagu masuul ka yihiin.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Maadaama aad tihiin kuwa haya bulshadda inteeda badan, in aad fahamtaan in aynu doonayno in doorasho dhacdo, markaa waa in aynaan u xidhnaanin dawlado kale, maxaa yeelay maanta waxaa dalkeena ka socda horumar, dawlad ayaa joogta heli karta lacag wixii loo baahdo, lacagtiina waynu diyaarinay, dawlad ahaan wixii inagu soo beegmay, hadana waxay qiran laayi’iin qoladan qaadhaan bixiyeyaashu in ay lacagtii hore u soo saaraan, dabadeedna diiwaan-gelintii caadiga ahayd qof kasta oo Somaliland u dhashay uu qaato, waxay noqotay in carqalad la geliyo, taasi in aynaan ogolaan ayaa la idiinka baahan yahay”.
Xubno ku hadlayay magaca jaamacadaha iyo maamuleyaasha dugsiyadda sare ee caasimadda oo ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan isla markaana ay xukuumadda Somaliland kala shaqayn doonaan hirgelinta diiwaan-gelinta madaniga ah ee lagu wado inay dhawaan wadanka ka dhacdo.
Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa kulan noocan oo kale ah la yeeshay ururadda bulshadda maxaliga ah, waxaanu madaxweynuhu ugu baaqay inay door weyn ka qaataan hirgelinta diiwaan-gelitna madaniga ah oo uu si faahfaahsan ugu sharaxay ahmiyadeeda.
By: Khadar Cabdi Muuse