M/weyne Ku-xigeenka Oo Warbixiyay Shir Caalami Ah Oo Uu Kaga Qayb- galay Imaaraadka

0
497

Hargeysa, (Dawan)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland  Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay safar shaqo oo uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta oo qaatay muddo toddobaad ah , halkaas oo  uu kaga qaybgalay shir caalami ah oo lagaga hadlayay  maalgeshiga Afrikada galbeed, waxaana socdaalkaasi ku  wehelinayay Wasiiru-dawlaha wasaaradda maaliyadda Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani).

Madaxweyne ku-xigeenka oo shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Cigaal  International Airport ee magaalada Hargeysa, ayaa halkaas waxa kusoo dhaweeyay  Wasiirro, madax iyo masuuliyiin ka tirsan goleyaasha qaranka.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland  waxa uu tilmaamay in shirkaasi uu kaga warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland iyo waxa ay hiigsanayso, waxaanu  yidhi, “Waxaanu ka qaybgalay shir lagaga hadlayay maalgeshiga oo loo qaban-qaabiyay 8 dal oo Afrikada galbeed oo ay ka soo qaybgaleen madaxweyneyaashoodii iyo Wasiirro ka socday, waxaana iskugu yimi shirkaas maalgashadayaal faro badan oo maalgeliya  Afrika sida macdanaha, shidaallada, dhismeyaasha, waddooyinka, dekedaha iyo madaarada.”

Md. Cabdiraxmaan  Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray, “Annagana shirkaas waxa na loogu  casuumay goob joogeyaal ahaan, si aada ayaanu uga faa’iidsanay, shirkaasina waxa uu socday ilaa muddo 14 saacaddood, waxaanu halkaasi ka gudbinay farriinteena dhabta ah xaaladda ay  Somaliland marayso iyo halka ay marayso iyo waxa ay hiigsanayso, waxaananu la kulanay madaxdii shirkaasi ka soo qaybgashay intii noo suurogashay.”

Sidoo kale, Wasiiru dawlaha wasaaradda maaliyadda Cismaan Cabdlaahi Saxardiid (Cadaani) oo madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayay shirkaas lagaga hadlayay maalgashiga ayaa isaguna waxa uu tilmaamay muhiimada uu shirkaasi u lahaa Somaliland, isagoo xusay in Somaliland ka qaybgalkeedu uu waayo-aragnimo iyo is-barasho u kordhiyay.

By: Khadar M. Dhako

Leave a Reply