Wargeyska Daily Mail iyo Faraxalka

0
651

Sida ay qortay Jariidda ka soo baxda dalka Ingriiska ee Daily Mail , koox khubaro ayaa ku samaysay cilmi baadhis faraxalka la isticmaalo ka hor cuntada.
Waxayna warbixintu cadaysay  in  10%  , keliya ay caalamka adeegsadaan inay faraxashaan ka hor inta aanay cuntada bilaabin. Wargeysku daily Mail wuxu si kooban u cadeeyay in 8 ( sideedii) qof ee dunida jooga uu mid ka mid ahi faraxasho ka hor cuntada, taasi oo muujisay in dadka dunida intoodan badani aanay faraxalan ka hor cuntada.
Daraasaddan ayaa dhiirigelisay in la adeegsado faraxalka ka hor cuntada.  Madaama ay gacamuhu yihiin kuwo hoy u ah Bakteeriyada gaar ahaan marka la joogo goobaha caamka ah sida suuqyada, beeraha dalxiiska dugsiyada iwm. Taasina oo lagu ogaaday cilmi baadhistan.
Warbxinta wargeyska ayaa cadaysay in iyadoo la faraxasho ka hor cuntada ay keligeed dawo uga tahay malaayiin qof  oo dunida ku nool xanuunada halista sida shubanka, TB, iyo xanuuno kale oo badan khatarna ku ah noolaha Aadamiga..

Leave a Reply