Tuug Qoraal Yaab Leh Sameeyay

0
455

Wargeyska Tabuuk ee ka soo baxa dalka Sacuud Carabiya ayaa qoray in tuug ka xaday dhamaan wixii hanti lacageed ah ee dugsi ku yaal dalkaasi ugu jiray Khasnadda.
Waxa kale oo tuugu qaatay Computer Laptop ah, isagoo jejebiyay dhamaan agabkii kale ee meesha yaalay.
Computeradii, shashadahooda ayuu ka dhigay kuwo uu burburiyay. Wargeysku wuxu intaasi ku daray in tuugani uu qaatay lacag aad u fara badan iyo computerada gacanta lagu qaato (Laptop) oo taalay dugisga.
Waxaase yaab lahayd markii tuugu uu ka tegay fariin qoraal ah oo uu ku yidhi “ Way yar tahay waxaan aan ka helay khasnadda, maan filayn inay lacag sidan u yari ku jirto,  laakiin ogow waan soo noqon doona sanadka soo socda.
 

Leave a Reply