Xisaabiyaha Guud Oo Tababar U Soo xidhay Xisaabiyayasha Wasaaradaha Dalka

0
477

Hargeysa (DAWAN)-Xisaabiyaha guud ee qaranka Somaliland Maxamed Cabdi Badde,  shalay  tababar ku wajahan maamulka  xisaabaadka dawladda xarunta Hay’adda shaqaalaha ugu soo gabo-gabeeyay  agaasime waaxeedyadda maamulka iyo lacagta iyo xisaabiyeyaasha wasaaradaha dalka.
Munaasibaddii loo sameeyay xidhitaankii tababarkaasi waxa  kale oo ka soo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen  Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda, Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda iyo masuuliyiin kale.
Xisaabiyaha guud ee qaranka ahna gudoomiyaha xisaabiyayaasha qaranka Maxamed Cabdi Bade, ayaa ka qayb galayaashii tababarkaasi u soo  jeediyay hadalo dhiiri-gelin ah, isagoo ugu baaqay aqoonta ay ka korodhsadeen tababarkaasi ay ku  dabaqaan hawl maal-meedkooda shaqo,waxaanu yidhi  “Siminaarkan qiimaha  leh ee ku saabsanaa illaalinta hantida qaranka iyo habsami u socodka hawlaha maaliyadeed ee  dowlada. Tabobarkan  waxaanu ugu tallo galnay   inaad kaga baxdaan dhibaatada idinka haysata hawsha shaqo ee aad qaranka u haysaan.Hadaba,  si aad uga badbaado hawsha kontaroolkeedu waxa weeye ama siminaarku waa inaad ka hortag samaysaa,  markaa wax badan waad qabateen, wax badan-na  waad ka faa’iidaysateen,  annaguna waxaanu ku dedaaleynaa si macluumaadka iyo xirfadaha aqoontiina kor loogu  loo  sii qaado, waxaan balan idiin qaadayaa inaanu sii joogtayno tababarada noocan oo kale ah.”
Xisaabiyaha Guud ee qaranka Maxamed Cabdi Badde,  waxa uu sheegay inay xidhiidho wada shaqayneed oo ay yeesheen Hay’ado  South afrika  fadhigoodu yahay, kuwaasi oo uu sheegay inay ka saacidi doonaan buugaag aqooneed iyo macalimiin aqoon sare leh oo kor u qaada aqoonta agaasimeyaasha maamulka iyo xisaabiyeyaasha dawladda.
Agaaasimaha guud ee wasaarada maaliyada Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye, oo ka hadlay gabo-gabadii  tababarkaas ayaa ka waramay faa’iidada uu u leeyahay aqoon koradhsigan xisaabiyayasha iyo agaasime waaxeedyada wasaaradaha dalka, waxaanu ku booriyay inay ka faa’iidaytaan macluumaadkii ay ka kasbadeen tabobarkan, waxaanu yidhi  “Ma odhanayo maxaa waxan lagu falayaa, qof waliba wuu arkayaa inay wax wanaagsan yihiin tabobarradu,  laakiin wuxuu odhanayaa sidaynu ku gaadhaynaa waan hubaa inaad wax badan ka barateen waxaanan hubaa in intiinan oodhan maalin dhow kolay warqado badan ayaa la idiin keeni doonaa iyo buugaag badan oo la idin leeyahay soo eega wixii innaga khaldan,  waa in qof waliba halka uu joogo wax ka saxaa isagoo ka faa’iidaysanaya aqoontii halkan la idinku baray.Maalin dhow waxaan hubaa in wasaarada maaliyada iyo wasaaradaha la shaqeeya ay hawl badan ku dhacayso oo galabtii  la soo noqon doono  si (reform) loo sameeyo.”
Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Nuux Sh. Muuse Ducaalle ayaa isaguna ka hadlay ahmiyadii tabobarkan waxaanu ugu baaqay saraakiishii tababarkaas ka qeyb galay inay wixii ay barteen saddexdii maalmood ee tabobarku u socday ay uga faa’iideeyaan hawl-wadeenadda kale ee xarumahooda ka hawl-gala.
Ugu dambayn xisaabiyaha guud ee qaranka ayaa shahaadooyin gudoon siiyay masuuliyiintii  ka socday wasaaradaha ee tababarkaasi ka qeyb-galay.
 
By: Yoonis M.Jaamac

Leave a Reply