Maayarkii Hore Ee Saylac Oo Mucaaridka Ugu Baaqay Inay Laabta u Sii Daayaan Diiwaan-gelinta Madaniga ah

0
637

Hargeysa, (Dawan)- Maayarkii hore ee degmadda Saylac Maxamed Cumar Xadi (Cawad) ayaa shacbiga Somaliland ku dhiirigeliyay qaadashada kaadhadhka muwaadinka, gaar ahaan gobollada Salal iyo Awdal.
Maxamed Cumar Xadi (Cawad) oo ahaa guddoomiyihii  golihii deegaanka ee waqtigoodu dhammaaday oo shalay nagu soo booqday xarunta wargeyska DAWAN,  ee magaalada Hargeysa, ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay ka faa’iidaystaan  diiwaangelinta madaniga ah, waxaanu si gaar ah farriin ugu diray deegaannada uu ka soo jeedo ee Salal iyo Awdal, isagoo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi, “Sida aynu la wada socono waxaa baryahan warbaahinta ku jira hadallo ay mucaaridka iyo xukuumaddu warbaahinta isu marinayaan oo ku saabsan diiwaangelinta madaniga ah oo xukuumaddu ugu baaqayso ummadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ah oo diidan, taasi oo bulshada Somaliland shaki galin karta anigu waxaan taageersan nahay xukuumadda Somaliland go’aankeedaa ah in muwaadiniinta Somaliland la siiyo kaadhadhka jinsiyadda, waxaanan u arkaa talaabadaasi ay xukuumadu qaaday mid Somaliland oo dhan u fiican oo kalsooni siinaysa muwaadinkeeda, haddii uu dalka joogo iyo haddii uu dal kale tagaba,  waxaanan qabaa in madaxweynaha Somaliland  uu wax weyn oo lagu xusuusan doono qabtay, haddii ay hawshaasi hirgasho anigoo  ka soo jeedo gobolka Salal waxaan leeyahay reer Salal dantiina ayaa ku jirta in aad qaadataan kaadhka aqoonsiga qaadashada si fiican ugu diyaar garoobaan fursadda loo siiyay inay qaataan diiwaan-gelinta madaniga ah.”
Maxamed Cumar Xadi waxa uu baaq u diray axsaabta mucaaradka ah, waxaanu yidhi,  “Xisbiyada mucaaradka ahna waxaan leeyahay dantiina ayaa ku jirta in muwaadinka reer Somaliland dhalashadiisa qaato, diiwaangelinta madaniga ah Somaliland danteenna ayaa ku jirta ee is-diiwaangeliya. Haddii kale oo aynu diidno diiwaangelintaasi waxaa iman doona wixii aynu hore uga caban jirnay ee bilaa diiwaangelinta ka dhalan jiray. Waxaan si gaar ah ugu soo jeedinayaa dadka aan ka soo jeedo ee degan gobolka Salal, Awdal iyo Maroodi-jeex ee bad iyo buur joogta ah oo aan ku dar-daarayo oo aan leeyahay  ha laga faa’iidaysto qaadashada kaadhka dhalashada Somalilandnimada,”ayuu yidhi Maxamed Cumar Xadi.
By: Idiris M. Xasan

Leave a Reply