Dumarka Gaagaaban Oo Ka Dhalmo Badan Kuwa Dhaadheer

0
1370

Daraasada cusub oo ay soo wada saareen Jaamcadaha Harvord & Oxfod University ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in dumarka gaagaabani ay ka dhalmo badan yihiin kuwa dhaadheer.
Daraasadan waxay cadaysay in dumarka gaagaabani ay inta badan xidhaan kabo ay isku dheereeyaan, dhinaca guurkana kaga badan yihiin kuwo dhaadheer, inkasta oo aanay daraasaddu sheegin sababta ay nasiibka badan ee xagga guurka ku heleen.
Dr.Daniel Nettle oo isna aqoonyahan ka tirsan jaamacadda Open University ee dalka Engriiska ayaa cadeeyay in sababta dumaraka gaagaagabani ay uga dhalmo badan yihiin kuwo dhaadheer ay tahay in badankooda ay isu dhaw yihiin wakhtiga ay caadada helaan.
Waxa kale oo ay daraasadani cadaysay in dumarka dhaadheeri ay kaga badan yihiin kuwo gaagaabaan qaadida xanuunka Kansarka, iyadoo kuwa gaagaabana la sheegay inuu ku badan yahay xanuunka wadno xanuunka.
 

Leave a Reply