Maxaad ka taqaanaa 10 wadan ee carabta ugu awooda badan ciidan ahaan?

0
514

6: Imaraadka Carabta
Dalkaasi Imaraadka Carabta ayaa noqday dalka Shanaad ee ugu awooda badan dalalka Carabta,sidoo kalena dalkaasi waxa uu noqday waxa uu noqday dalka 42-naad ee awooda ugu badan leh caalamka,waxaanu noqday wadan aan wax dagaala weli gelin,taas ayaana ka dhigtay inuu ahaado dalka ugu awooda badan dalalka carabta,madaama oo ka nabad galay waxyaalo badan oo awooda dalal badan hoos u dhigay.
Dadka u dhashay isu taga Imaraadka Carabta ayaa tiro ahaan lagu sheegay inay gaadhayaan 7.8 Million oo qof ,kuwaas oo ku kala nool imaaradaha kala duwan ee uu ka kooban yahay dalkaasi,waana dad inta badan u badan baayac mushtar ama ganacsato.
Ciidamada dalkaasi ayaa iyaguna tiro ahaan noqday 65,000 oo askari,kuwaas oo dagaal yahano ah,mana laha wadankaasi wax ciidamo ah oo kayd ah,waana wadanka keliyaata  ee aan lahayn wadamada aynu soo marnay wax ciidamo kayd ah ,sidoo kalena dadka u shaqeeya ciidamadaasi una qabta shaqooyinka kala duwan ama adeega kala duwan ayaa gaadhaya tiro ahaan 3 million oo qof.
Taangiyada ciidamada dalkaasi ay lee yihiin ayaa iyaguna ah kuwo lagu qiyaasay inay yihiin 545 taangi,waana kuwo aad u yar marka loo eego wadamo badan,madaama oo wadankaasi yahay mid sidiisaba yar ayaa iyaduna keentay inay ciidamada iyo taangiyadooduna yaraadaan.
Baabuurta ciidamada lagu qaado ayaa iyaguna ah kuwo aad u tiro badan ,waana kuwo gaadha tiro ahaan ilaa 1,540 oo gaadhi,waana kuwo kala duwan oo ay dawlada dalkaasi kazoo iibsatay dawlada dalkaasi Maraykanka,iyada oo ku bixisay kharash badan.
Diyaaradaha ciidamada dalkaasi ayaa iyaguna gaadhaaya tiro ahaan ilaa 457 diyaaradood,kuwaas oo ah kuwa miigaga loo yaqaano,waana kuwa dagaalka intooda badani,halka diyaaradaha kale ee Helicompters-ka loo yaqaanaana ay gaadhayaan 140 diyaaradood,kuwaas oo isugu jira kuwa ciidamada lagu daad gureeyo iyo kuwa gumaatiga u kaca intaba.
Ciidamada bada ayaa iyaguna ah kuwo leh 70 maraakiib iyo doonyo isugu jira,inkasta oo aanay ahayn maraakiibtaasi kuwo aad u waaweyn ee ay yihiin kuwo yar yar ,waana kuwo lagu ilaaliyo intooda badan baddaha dalkaasi ,sidoo kalena ma jiro wax maraakiibta badda quusta ah oo ay ciidamadaasi lee yihiin.
Lacagta difaaca dalkaasi ku baxda ayaa gaadhaysa ilaa 15.2 billion oo dollar ka Maraykanka ah,iyada oo aad loo dhiso ciidamadaasi waxaana gacanta ugu badan ka geysta dawlada dalkaasi Maraykanka oo iyadu tabobaro siisa ciidamadaasi.
 

Leave a Reply