K/Suudan oo Ka Noqotay Go'aankii ay ku Joojisay Shaqaalaha Ajaanibka Ah

0
483

Safiirka Dawladda Kenya u fadhiya Magaalada Jubba, ayaa saxaafadda Dalkiisa ugu waramay in Dawladda Koonfurta Sudan ay dib uga noqonayso go’aankeedii ay hore ugu mamnuucday in Shirkadaha shisheeyuhu leeyahay iyo hay’adaha caalamiga ahi ay shaqaale Ajaanib ah ka hawlgeliyaan dhulkeeda.
Safiirka oo lagu magacaabo Cleland Ichor oo u waramay wargayska Daily Nation ee dalka Kenya ayaa sheegay inuu kulan la yeeshay wasiirka Arimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda K/Sudan Barnaba Marial Benjamin, kaasoo u xaqiijiyey in Koonfurta Suudaan dib u eegis ku samaynayso arrinta ku saabsan mamnuucitaanka saaran in shaqaalaha ajaanibka ahi ka shaqayn karaan gudaha wadankaasi, arrintaas oo ay maalintii salaasada ee ina dhaaftay ka dhasheen rabshado iyo cabashooyin kala duwan.
Mr Ichor oo arintaa ka hadlaya waxa uu yidhi ” K/sudan niyad kama aha inay shaqaalaha ajaanibka ah ka mamnuucdo inay wadankooda ka shaqayn karaan, waxa ay dalbanayaana waa in shirkaduhu ahmiyadda koowaad siiyaan shaqaalaha dalka u dhashay”.
Dawlada K/sudan ayaa maalmo ka hor muddo bil ah u qabatay shirkadaha ajaanibka inay shaqaalaha ajaanibka ah ku bedelaan kuwo dalka ku dhashay ama ay dalka ka baxaan marka ay dhamaato mudada loo qabtay.
Dhinaca kale dadka ka faalooda arimaha Gobolkaasi waxay ku adkaysanayaan in go’aanka noocaas ahi uu waxyeelo ku noqon karo shacabka wadankaas oo ku tiirsan gargaar shisheeye, warbixinahii u dambeeyey ee Qaramada Midoobay ka soo saartay xaaladda bani;aadanimo ee Jamhuuriyadaasina lagu sheegay in ugu yaraan Labo malyuun oo ruux ay ka baro kaceen deegaanadoodii tan iyo intii ay qalalaasaha siyaasadeed wadankaasi ka bilaabmeen bishii December ee Sanadkii tegay.
Sida la ogyahay shaqaale badan oo u kala dhashay wadamada Sudan, Itoobiya, Ereteriya iyo Yugandha ayaa ka hawlgala shirkadaha soo saara shidaalka, kuwa isgaadhsiinta iyo xawaaladaha lacagta, xilli Jamhuuriyada K/Sudan ay sheeganayso in ay la tabaalaysan tahay shaqo la’aan baahsan, iyadoo in ka yar 25%   dadweynaha dalkaasi ay wax qori karaan waxna akhrisan karaan.

Leave a Reply