La Dagaalanka EBOLA oo u Baahan Hal Bilion oo Doolar

0
418

Qaramada Midoobay ayaa codsatay illaa hal bilion oo Doolar si ay gacanta ugu dhigaan oo u xakameeyaan fiditaanka cudurka EBOLA ee Galbeedka Qaaradda Afrika, halkaas oo uu ku dilay dad gaadhaya ilaa Labo Kun iyo Afar Boqol oo ruux.
Dr David Navaro mas’uulka u sareeya hawlwadeenada Qaramada Midoobay ee ku hawlan wax ka qabashada cudurkaasi oo Magaalada Geneva shir jaraa’id ku qabtay  ayaa sheegay in cudurku u fidayo si degdeg ah una baahan yahay inay beesha caalamku jawaab ka bixiso, isagoo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaanu dalbanay dhaqaale gaadhayey Boqol Malyuun oo Doolar mudo bil ah, xiligana dalabkayagu waxa uu marayaa illaa Hal Bilion oo Doolar, taasoo macnaheedu tahay in dalabaadkayagu kor u kacay Toban jeer muddo bil gudaheed ah, markhaatina ka ah in cudurka EBOLA iyo fiditaankiisuna uu mudadaa bisha ah kor u kacay.” isagoo Mr Navaro intaa raaciyey “Beesha caalamku waa in uu isu diyaariyaa dadaalada lagaga hortegayo Ebola, waxana aanu saadaalinaynaa in fiditaanka Virus-ka EBOLA istaagayo ka hor dhamaadka sanadkan 2014, sidoo kalena guud ahaan la baabi’in doono cudurka marka la gaadho badhtamaha sanadka 2015”.
Dhanka kalena waxaa jira baaqyo lagu sheegayi in Wadanka Siralyon uu halis ugu jiro inay ka dilaacaan macaluul iyo gaajo taasoo qayb ka ah raadadka uu ku sameeyey Cudurka EBOLA.
Madaxa ururka samafalka ah ee Welt Hunjr Helvh oo laga leeyahay Wadanka Jarmalka kana shaqeeya ka hortagga gaajada iyo khubaro arimaha bani’aadanimada wax laga weydiiyo ayaa waxa ay sheegeen in ay u dhowdahay in dalka Siralyon ay ka dillaacdo xaalad cunto yaraan ah oo sababi karta macaluul baahsan.
Cunto yaraanta taagan ayaa la sheegay inay ka timid bandowga la saaray qaybo badan oo ka mid ah Dalka Siralyon si loo hakiyo fiditaanka EBOLA, iyadoo warbixinta ay hay’adahani soo saareen ay ku jiraan in la beeray 40% dhulkii cuntada laga soo saari jiray, dhaqaalaha dalka Siralyoon-a uu si adag ugu xidhan yahay wax soo saarka Beeraha.

Leave a Reply