Salmond oo Iscasilay markii ay Dadkiisu Diideen Madaxbannaani

0
433

Wasiirkii koowaad ee Scotland Alex Salmond ayaa is casilay kadib markii ay codbiixyeyaashu iska diideen in ay ka  madaxbannaanaadaan Ingiriiska.
Mar hadduu ku guul dareystay ololihiisii gooni isu taagga  Waxa kale oo uu iska casili doonaa hoggaamiyaha  xisbiga waddaniga Scotland (SNP), kaasi oo uu soo hoggaaminayay isugeyn ahaan 20 sano.
Codbixiyeyaasha Scottishka ayaa taageeray inuu dhulkoodu ka sii mid ahaado Boqortooyada UK, waxaana sidaa u codeeyay  2,001,926  oo codbixiye aftidii khamiistii, halka ay ka soo horjeedeen tiro dhan  1,617,989  qof oo iyagu u codeeyay madaxbannaani.
Dhinaca kale boqorada Ingiriiska ayaa ka hadashay kadib go’aankii aftida lagu diiday.
Waxa ay sheegtay codbixiinta Scotland in ay tahay in la wada ixtiraamo.
 
 

Leave a Reply