Nayjeeriya: Boko Xaraam oo Hadhcad Dad laysay

0
441

Dagaalyahanada kooxda Boko Xaram, ayaa waxa ay weerar ku qaadeen degmada Mainok, maalin cad oo dadku ay suuqa ka buuxaan.
Xabado ayey fureen kooxda halkaasina qalalaase ayaa ka dhashay.
Qof degmadaasi ku nool ayaa BBCda u sheegay, in qaar ka mid ah dad naftooda u cararayay ay dhinteen kaddib markii ay jiidheen gawaadhi xowli ku socday oo halkaasi ka baxsanayay.
Waxa uu sheegay ninkaasi in askarta iyo dadka rayid ahba ay duurka u wada baxsadeen.
Kooxda ayaa cunto ku qaadatay gawaadhi ay dhaceen.
Inta badan dadweynaha waa ay banneeyeen magaalada.
Todobaad kasta kumannaan shacab ah ayaa barakaca xilli ay kooxda mayalka adag ay sii waddo colaadda ay ka waddo waqooyi bari Nigeria.
Khamiistii milateriga Nigeria ayaa sheegay, inay ka dileen kooxda Boko Xaraam 60 dagaalyahan oo uu ka mid ahaa sarkaal sare.
Hasayeeshee kooxda Boko Xaraam ayaa qabsatay dhowr magaalo iyadoo qeybo ka tirsan deegaanada waqooyi bari oo ka sii baxaya gacanta dowladda ay abuurayso dhibaato sii kordheysa oo dhanka bini’aadamnimada ah.

Leave a Reply