Saddexda Xisbi Qaran Iyo Xukuumadda Oo Heshiis Rasmi ah Ka Gaadhay Khilaafkii Diiwaan-gelinta Madaniga ah

0
474

“Xisbiyadda waxaanu ku Heshiinay wixii Fikir ah ee laga kala Qabay diiwaan-gelinta Madaniga ah, waana sidii dhaqanku ahaa ayaynu samaynay” C/Raxmaan Saylici
 
“Waxaan Ugu Baaqayaa Shacbiga in La Qaato Kaadhka Jinsiyadda, labada Xisbi mucaaridna marna kamaanaa soo horjeedin in la qaato  kaadhka aqoonsiga…” Guddoomiyaha UCID
 
HARGEYSA (DAWAN)- Xukuumadda iyo saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, ayaa si rasmi ah xal uga gaadhay khilaafkii ba’naa ee ka dhashay diiwaan-gelinta madaniga ah oo labada xisbi mucaarid ay hore u sheegeen in qaadaceen. Waxa xukuumadda iyo labada xisbi mucaarid isku waafaqeen in xeerka diiwaan-gelinta madaniga iyo codbixiyeyaasha loo daayo Goleyaasha Baarlamaanka isla markaana lagu darro qoddob sheegaya in muwaadinka aanay u suurto gelin inuu qaato kaadhka jinsiyadda, marka la bixinayo kaadhka  codbixiyeyaasha  fursad loo  wada siiyo kaadhkii codbixinta iyo kii jinsiyaddaba.
Xaflad heshiiskaasi lagu shaacinayay oo ay shalay lagu qabtay xarunta madaxtooyadda waxa ka soo qeyb galay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Hoggaamiyeyaasha xisbiyadda KULMIYE, WADDANI Iyo UCID iyo Wasiirka Daakhiliga.
Waxa ugu  horeyn ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka  Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil  (Saylici) waxaanu ku amaanay madaxda saddexda xisbi qaran sida niyad samida ah ee ay go’aanka wada jirka ah isula qaateen waxaanu yidhi “Waxaa maalmahan ina soo dhex-galay buuq  ku saabsanaa labadii diiwaan-gelinood ee mid ahaa diiwaan-gelinta muwaadiniinta iyo diiwaangelintii codbixiyeyaasha oo isa saaran labaduna ay ahaayeen dan qaran in wixii aragti ah ee xukuumada iyo xisbiyada qaranku kala  qabeen in meel la iskugu keeno, waxaana aanu ku heshiinay inuu xeerkii diiwaan-gelinta Somaliland baarlamaanka yaalay sidiisii u socdo wixii qoddob iyo laba laga taabtayna uu madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu baarlamaanka u gudbiyo oo xeerkaa lagu daro si fiican oo guul ahna way noogu dhammaatay waana sidii uu ahaa dhaqanka reer Somaliland isu tanaasulka wada tashiga iyo isqancinta ee hore aynu ugu soo caano maalnay.”
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed  Waran Cade oo isagu  wasaaradiisu dalka uga masuul tahay fulinta hawsha diiwaangelinta madaniga ah ayaa yidhi “Halkan maanta (shalay)  waxaan isugu nimid in aanu bulshada reer Somaliland u sheegno khilaafkii yaraa ee dhexdeena yaalay ee labada diiwaangelinood ee muwaadinka iyo codbixiyeyaasha laga heshiiyay wixii mad-madow ah ee ku jiray laga heshiiyay oo dhaqankii reer Somaliland ee fiicnaa la qaatay. Bushaaradaasi ayaaanu idiin sheegaynaa.”
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga Waddani  Md. C/raxmaan  Maxamed C/laahi  (Cirro)  oo ku hadlayay afka xisbiga Waddani iyo sida uu xisbi ahaan ugu qancay heshiiska saddexda xisbi iyo xukuumada wada gaadheen, waxaanu yidhi “Markaanu aad isula gorfaynay waxaanu isla garanay wixii ku saabsanaa ama dabraayay diiwaangalinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland ee caqabada ku noqon lahaa oo aan kala mada-banaanaadaan  labadaa diiwaangelinood. Waxaanu  isla qaadanay aragti midaysan sidaa la sheegayna waxaanu shacbiga reer Somaliland u sheegaynaa in aanu arrimahaa diiwaangelinta ka heshiinay, madaxweynuhuna uu baarlamaanka u gudbin doono qodobada laga heshiiyay.”
Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna dhiniciisa sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiskaasi oo ah tallaabo hore loo qaaday, waxaanu yidhi  “ILAAHAY  mahadii  sidaa ayaanu ku heshiinay waxaa kale oo aan u mahad celinayaa xukuumada oo iyana naga ogolaatay in aanu is aragno.Waxa kale oo aan idiin sheegayaa haddii aanu nahay xisbiyada mucaaridka ah marna kamaanaa soo horjeedin in la qaato  kaadhka aqoonsiga muwaadinimada ee waxaanu diidnay inuu dabro, dadka codkooda dhiibanaya.”
Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu dadweynaha ugu baaqay inay qaataan kaadhka jinsiyadda, waxaanu yidhi  “Shacbiga waxaan leeyahay  qaata kaadhadka Jinsiyadda ee lagu bixinayo diiwaan-gelinta madaniga ah.”
“Waxaan Shacbiga ogaada in aynu qaran nahay, haddii askari sarkaal ah oo shaqo ku jira uu shaqadaasi ku dhinto, qaranka ayuu  ka dhintay. Haddii uu furinta ku dhinto,  waxaa uu direyska u qaatay inuu qaranka difaaco waana khalad in la qabyaaladeeyo iyo in la siyaasadeeyo maaha qaranna  ku noqon mayno ceynkaasi ee iska jira,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal.
Guddoomiyaha xisbiga  tallada dalka haya ee KULMIYE  Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aanay xisbigaas iyo xukuumadiisuba aanay diidanayn in laga wada hadalo, waxaanu yidhi  “Waxaanu cadaynaynaa xisbi ahaan iyo xukuumad ahaanba  in aanaan marnaba aanaan ku tallo jirin sharcigaa yar ee la isku haystaa in uu xanibo doorashada,  qoddobka imika lagu heshiiyayna waa qoddobka 25aad waxaanu  u qornaa “muwaadinka doonaayay inuu qaato kaadhka codbixiyaha waa in uu sitaa warqada dhalashada Somaliland. Imikana waxaana ka dhignay in muwaadinka aan haysan kaadhka muwaadinka ama soo ilaaba in taa codbixinta  ee uu joogo ay joogto, wasaarada arrimaha gudaha oo halkaasi lagu siiyo taasi oo aanu xisbi ahaan iyo xukuumad ahaan qaadanay ilayn marka horeba xanibaad maanaan wadine’, taasi oo markii hore ay xisbiyada mucaaridka ihi aad uga qayliyeen waanu ka heshiinay waana Illaahay mahadii.”
“Maantana waxaa inoo wada yaala inaynu  ka wada shaqayno, sidii muwaadiniinta loogu dhiirigelin lahaa inay qaataan, si xoog ahna aynu uga wada ololeyno oo la qaato warqada muwaadanka, si tiro aad u badani u qaadato kaadhka aqoonsiga Somalilandnimada,”ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.
“Waxa kale oo aanu tacsi u diraynaa qaranka Somaliland ee ka baxeen labadaa sarkaal arrinta ciidamadu way ka duwan tahay shacbiga,  arrimaha ciidanka waxaa looga dambaynayaa ciidamada,  mana dhici karto in sirta ciidanka la soo dhigo suuqyada. waxaa la inooga baahan yahay   adkaysi, isku duubni, waana saacadii la isku duubnaan jiray,  mar haddii wax dhacaan  la isma eeg eego cid aan ka xumayna arrinkaasi ma jirto iyo qof aanay dhibayn  dilkaasi ma jiro, waana in gacan ku dhiiglihii la soo qabto meel kasta oo uu u baxsado , qofkuna  saacadiisa dhaafi maayo, cid kasta oo arrinkaa dilka labada sarkaal ku lug lahaa sir iyo caad ama  lagu tuhmo waa in gacanta lagu soo dhigo,”ayuu yidhi  hadalkiisii ku soo gabogabeeyay Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE.
By: Idiris M.Xasan

Leave a Reply