Afgaanistan oo lagu Heshiiyay Dowlad Wadaag ah

0
415

Kadib markii bilooyin ay ku muransanaayeen natiijada ayaa labada nin ee ku tartamay madaxweynenimada Afghanistan ay saxiixeen heshiis ay awooda ku qaybsanayaan oo lagu samaynayo dowlad isbahaysi ah.
Heshiiska oo yimid saddex bilood kadib markii la qabtay wareegii labaad ee doorashada madaxweynenimada, Ashraf Ghani, oo ka soo jeeda koonfurta iyo bariga Pashtun ayaa noqonaya madaxweyne, halka Abdullah Abdullah oo laga taageero waqooyiga dadka ku hadla afka Persia uu noqon doono Ra’iisalwasaare.
Heshiiskan oo uu dhexdhexaadiyay Maraykanka ayaa la saxiixay intii aan la sheegin natiijada tirinta doorashada oo mar labaad lagu celiyay.
Kadibna komishanka doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay inuu ku guuleystay Ashraf Qani doorashadii muranka xumi ka dhacay.
Wariyaha BBC ee gobolka ayaa sheegaya in waddanka uu nafisay hadda oo la gaadhay heshiis.
 
 

Leave a Reply