Xaaskiisa Ayuu Kelideedii Tuugo Ku Iibyay

0
441

Waxa yaab iyo amankaag ku riday dad badan markii ay maqleen in nin u dhashay dalka Masar uu ka iibiyay kelida xaaskiisa nin dhakhtar ah, iyagoo ku heshiiyay inuu ka bixiyo qiime dhan 20 kun oo Gini dalkaasi ah una dhigmaya $ 2800.
Heshiiska iibkan waxa ka shaqaynayay  laba nin oo ka mid ah dilaaliinta xubnaha Aadamiga ka shaqaysta. Ninkan ayaa la sheegay inuu gabadhiisa ku qanciyay inay marto baadhid  caafimaad oo dhinaca dhalmada iyo ilma galeenka ah,  ka dib markii aanay muddo dhalin.   Arrinkaasi waxay  kawad socdeen labada dilaal iyo dhakhtarka.  Ciidamada amaanka oo falkan ka war helay ayaa xidhay dhamaan dadkii ku lug lahaa oo uu ku jiro ninkii gabadh qabay.
Waxaana loo gudbiyay sida uu qoray Wargeyska Sawtul wadan ee dalka Masar xafiiska xeer ilaalinta. Halkaasi oo ay weli baadhistu ku socoto raggaasi. Ninkan ayaa ku doodaya inay xaaskiisa isla ogolaayeen iibka kelideeda,  laakiin ay markii danbe diiday iyadoo ka xanaaqday lacagtii uu siiyay oo dhamayd 15 kun oo Ginni, iyadoo dooonaysay  inay lacagta wada qaadato, waxase doodaasi diiday xaakiisa oo been abuur ku tilmaantay iyo inuu khiyaameeyay. Welise ma jiro war ka soo baxay oo cadaynaya sida ay ku ogaadeen tuugadan ciidmada amaanku.

 
 
 

 

Leave a Reply