Hindiya oo Saataleyt Gaadhsiisay Maaris

0
618

Hindiya ayaa ku guulaysatay in ay gaadhsiiso saatalayt   wareega meeraha maaris, waxayna taasi ku noqotay dalka afraad ee tallaabadaasi qaaday.
Dayaxgacmeedkan oo lagu magacaabay  Mangalyaan robotic probe,  waxa uu ka mid yahay howlgalladii  ugu jabnaa ee abid la sameeyo, waxaanu si dhaqso ah u bilaabayaa howshiisa ah inuu daraaseeyo jawiga meeraha cas ee Mariiq.
Ra’iisulwasaaraha Hindiya , Narendra Modi ayaa ku tilmaamay inuu dalkiisu gaadhay meel aan la malaysan Karin.
Maraykanka , Raashiya iyo Yurub oo keliya ayaa hore ugu diray hawgallo meeraha Maaris, waxaanay Hindiya ku guuleysatay iskudaygeedii u horeeyay , waana guul ay la dhaceen xitaa Ameerikaanka iyo Raashiya.
Maraykanka ayaa saatalaytkiisii ugu danbeeyay oo la yidhaa Maven,  waxa uu gaadhay meeraha Maaris Isniintii.

Leave a Reply