La hayste Faransiis ah oo Qoorta laga Jaray

0
430

Faransiiska ayaa xaqiijiyay in ay koox jihaadiyiin ah oo xidhiidh la leh Daacish ay qoorta ka jareen dalxiise faransiis ahaa oo ay haysteen, kaasi oo magaciisu ahaa Herve Gourdel.
Kooxdaasi oo la yidhaa Jund al-Khilafa ayaa  Axadii kurka ka jaray Mr Gourdel, oo ahaa 55 jir, kadib markii uu Faransiisku dheg jalaq u siin waayay waqti kama danbays ahaa oo ay ugu baaqeen inuu ku joojiyo weerarada circa ee Daacishta Ciraaq uu ku hayo.
Madaxweynaha Faransiiska  Francois Hollande ayaa canbaareeyay dilkaasi, kuna tilmaamay fal cadownimo iyo fuleynimo ah.
Waxa uu sheegay in ay weerarada ka dhanka ah badhtilmaameedyada Daacish sii socon doonaan.

Leave a Reply