Wiil Shiinaha u dhashay oo Gabadh uu la Sheekhaysto doonaya inuu ku bedesho taleefan Iphone 6 ah

0
412

Wiil u dhashay dalkaasi Shiinaha oo lagu magcaabo Wei Chi ayaa sheegay inuu doonaayo inuu ku bedesho gabadh uu la sheekaysto taleefanka gacanta ee dhowaan soo baxay laguna magcaabo Iphone 6-ka,isaga oo boodh kusoo qoray damaciisa kadibna la dhex istaagey dariiqa.
Wiilkan yar ee Wei Chi ayaa da’ahaan jira 25 sanno ,waxaanu  boodhka la yimid dibada jaamacadda uu dhigto oo iyadana lagu magcaabo Song Jiang,waana jaamacad ku taala magaalada Shanghai,waxaanu soo jeediyey in gabadhaasi lagaga bedesho lacag si uu u helo taleefankaasi gacanta ee Iphone 6-ka ah.
Wiilkan ayaa meelaha lagu wada sheekaysto ee Internet-ka soo dhigay sawirada gabadhan ay sheeko wadaagta yihiin ee uu doonaayo inuu ku bedesho lacagta uu ku iibsanaayo taleefankaasi gacanta,gabadhan ayaa ah mid da’deedu jirto 21 sanno,iyada oo lagu magcaabo Xiao,waxaanay gabadhani ka diiday wiilkan dalabka uu ka dalbaday ,iyada oo u sheegtay inay u caawinayso sidii uu u heli lahaa waxa uu doonaayo,iyada oo meel uun lacagtaasi uga doonaysa.
Sheekadan ayaa noqotay mid aad uga yaabisay dadka degan dalkaasi Shiinaha iyada oo noqotay mid ku cusub ,waxaanay wax aad uga qoraayey beryahan oo dhan warbaahinta wadankaasi.
 

Leave a Reply