Fay’iidooyinka Saliida Saytuunka

0
658

Daraasad laga soo saaray dalka Bortiqiiska ayaa shaacisay faa’’iidooyinka qarsoon iyo siro badan oo ay leedahay saliida Saytuunka taasi oo dawo ka ah ka hortagga xanuunada wadanaha , Iyadoo daraasaddu sabab uga dhigtay iskudhisyada ay  ka kooban tahay saliidani.
Waxa kale oo ay cadeeyeen in Saliiddani aya ka hortagta inay dhawacayco gaadhaan unugyada dhiigga.   Warbixintan cilmiga ah oo lagu daabacay Wargeysa wax ka qora nafaqada iyo caafimaadka   ayaa intaasi raaciyay in saliidani ka hortagto burbur ku yimaadda unugyada dhiiga cas iyo ogsiijinta ku jirta.
Quraanka Kariimka ayuu Allah (SW) ku dhaartay Tiinka iyo Saytuunka taasi oo muujinaysa faa’iida ay leeeyihiin. Iyadoo cimi baadhis  kalena ay cadaysay tiinka iyo caleemihiisba inay faa’’ido weyn ku jiraan oo waxtran u leh aadamiga.

Leave a Reply