Cudurada Xoolaha ku Dhaca xilliga Roobka

0
4096

Xilliga roobabku bilowdaan ayey  jiraan cuduro ay keenaan cimilada is beddeshay iyo qoyaanka dhulka, kuwaasoo ku keena xoolaha xanuunno, waxaana ka mid ah cudurka raaf dillaaca afka qalaadna lagu yiraahdo (foot rot.

Cudurkani wuxuu ku dhacaa xoolaha la yidhaahdo raafleyda ee lo’da iyo adhiga ah, waxaana bukoota cidida lugta, iyadoo qoyaanka iyadoo biyuhu sababaan inay jilciso kadibna jeermis uu galo, laba nooc oo jeermis ah ayaana keena cudurkaan Fusobacterium necrophorum iyo Dichelobacter. Calamadaha neefku ku dhacana lagu garanayo waxaa ka mid ah, iyadoo marka ciddidu qoydo uu gelayo jeermisku, neefkii lugta way caabuqaysaa, bararaysaa, ka dibna dhutin ayuu bilaabayaa iyadoo raafka ciddiyaha ku yaalla bararayaan, neefku markuu maalmo joogana jeermiskii sii fidayo oo lugtii ur qarmuun bilowdo.

Qoyaanku wuxuu sahlayaa cudurkan, xilliga uu dhulku qalalan yahayna kuma dhaco cudurkan xoolaha. Siyaabaha ugu wanaagsan ee lagu daaweyn karo waxaa kow ka ah: In la nadiifiyo lugta neefka ee bugta, iyadoo ciddidana la jarayo haddii ay dheer tahay, waxaa kaloo la isticmaalaa haddii cudurku sii caabuqo, in la siyo dawada antibayootiga ah oo luga mudayo luqunta ama muruqa lugta, nooca daawada la sinayana waa Penicillin ama Oxytetracycline ama dadku u yaqaaniin Oxo iyadoo la isticmaalayo hannaanka boqolayda dawadu ku suntan tahay.

Hanaanka kale ee ugu wanaagsan waxaa weeye in la hagaajiyo goobta xerada ah ee xooluhu ku hoyanayaan in digadu ku raagto wakhti dheer xerada laga ilaaliyo, xeraduna noqoto mid had iyo goor qalalan.

Waxaa kaloo maamul fiican ah in waqtiga roobku bilaabanayo ama bilowday in xoolaha laga dilo gooryaannada kala duwan ee caloosha ku jira, si xooluhu marka cawska ugu horeeya daaqaan ay si fudud ula qabsadaan uguna naaxaan, waxaana gooryaan dil lagu samayn lahaa daawada Ivermectin oo ah daawo gooryaanka xoolaha iyo dhibaatada qaniinku ku keeno la diriraysa, iyadaana hagaagsan, qofkii aan heli karinna wuxuu isticmaali karaa sharoobada xoolaha ee la yidhaahdo Albendazole, daawooyinkaana waxaa loo siinayaa hadba cabbirka miisaan ee neefku yahay, iyadoo la raacayo qoraalka daawada ku qoran.

 

By: Dr. Maxamed Xasan

 

 

Leave a Reply