Golaha Guurtida oo Shacbiga Ugu Baaqay in ay Is Diiwaangeliyaan

0
429

Hargeysa (DAWAN)- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa galay fasax gaaban oo munaasibada Ciidal-Odxada, iyagoo u ballansan in ay wixii ka dambeeya guddo galaan xeerka xabsiyada dalka, waxaanay shacabka ugu baaqeen in ay u soo baxaan diiwaangelinta madaniga ah.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo fadhigii shalay shir-guddoominaayey, ayaa guddi uu u saaray in ay soo naqashaan xeerka xabsiyada Somaliland la socodsiiyey in ay sida ugu dhakhsaha badan golaha u horkeenaan xeerkaas si looga doodo, waxaannu yidhi;“Waxannu dejinaynaa xeer qaran oo la doonayo in uu bulshada wax u taro, waxaana innagu waajib ah gole ahaan in aynu ka fiirsano. Guddidii loo saarayna waxaan leeyahay waa in aad la tashataan cidii kasta ee sharci yaqaan ah, munaasibada ciida ka dib-na aad golaha soo hor dhigtaan.”

Golaha guurtida ayaa waxa horyaala xeerka xabsiyada Somaliland oo ka soo gudbay Golaha Wakiillada ka oo soo ansixiyey, waxaannu Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan u saaray guddi soo naaqishta oo ka kooban sagaal xubnood oo xildhibaannada ah iyo la-taliyaha Sharciga ee  Golaha Wakiillada.

Geesta Kale, Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamuud Xasan (Indho-indho) oo warbaahinta la hadlay, ayaa shacabka ugu baaqy in ay diiwaangelinta muwaadinka u soo baxaan, qataana kaadhka jinsiyada Somaliland.

 “Haddaanu nahay Guurtida doorka aannu ka qaadanayno diiwaangelintu waa wacyigelin, dadkana waxaannu u sheegaynaa in diiwaangelinta muwaadinku aad u wanaagsan tahay si dalkeena ay uga dhacdo diiwaangelin xalaal ah oo lagu tiro koobayo dadka u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Xildhibaan Indho Indho.

Xildhibaan Cabdiqaadir indho-indho waxa uu xukuumadda iyo shacabka uga mahadceeliyey dhismooyinka xagga waddooyinka ah ee gobollada bari laga waddo, waxaannu yidhi “Aad baan ugu taageerayaa waddooyinka ay xukumadda iyo dadku iska kaashanayaan. Bulshadu aad bay ugu mahadsan yihiin in ay dawladooda taageeraan, wax-na la qabsadaan maadaama oo goleyaashu yihiin shaqaale u shaqeeya shacabka.”

Golaha Guurtida ayaa fasax gaaban oo ku saabsan munaasibada Ciidal Od-xada galay, kuwaasoo fadhiyadooda caadiga ah dib u bilaabi doona marka ay ciidu baxdo.

By: Jamaal C/Raxmaan

Leave a Reply