Mulkiilaha Universal Oo Raali-gelin Ka Bixiyay Dunuub Uu TV-giisu ka galay Somaliland

0
607

Hargeysa(DAWAN)- Mulkiilaha Telefishinka  Universal TV Eng. Axmed Abubakar ayaa dawlada  iyo shacabka Somaliland raali-galin ka siiyey deelqaafyo TV-gaas ka baxay oo lagu cambaareynayay Masuuliyiinta Somaliland, taasi oo sababtay in albaabada loo laabo xafiisyadii uu ku lahaa Somaliland.

 Sidaasi waxa uu ku sheegay Shir jaraa’id oo uu shalay qabtay mulkiilaha guud ee Telefishinka Universal TV,  Eng Axmed Abubakar waxaanu yidhi  “Tefeshinka Universal waa mid  dhexdhexaad ah, una dhaxeeya dhammaan dadka afka Soomaaliga ku hadla, siyaasada Telefeshinkuna waa mid dhexdhexaad ah oo aan duullan ku ahayn dad gaar ah ama deegan, iyo dawlad toona, runtii waad ogtihiin in barnaamij ka bixi jiray Telefeeshinka oo la yidhaahdo Faaliyaha Qaranka, ay dhibsadeen dawlada  Somaliland iyo shacabka Somaliland, waxaan halkan ka cadeynayaa in barnaamijyadaasi aanan ujeedo gaar ah ka lahayn waxanan raali galin ka bixinayaa Barnaamijyada ay dhibsadeen shacabka iyo dawlada Somaliland,”ayuu ku tiraabay mulkiilaha Universal.

 Axmed Abubakar oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi  “Waxaanu ka maamul ahaan rajeynaynaa in Universal TV  hawlihii shaqo dib uga bilaabo Somaliland. Waxanan shacabka Somaliland u sheegayaa in Telefeshinka Universal aanu waxa Siyaasad ah aanu xambaarsanayn oo ka soo hor jeedda shacabka iyo Dawlada Somaliland. Shacabka Somaliland waxaan u sheegaya Telefeeshinka Universal waa Telefeshinkiini awalba idiin shaqeyn jiray haatana waxaanu rabnaa in shaqadii halkii uu ka sii waddo.”

 “Waxa kale oo aan halkan uga mahad celinayaa dhammaan dadkii ka qayb-galay in qorshe ah in aanu dib u furno xafiiskayagii Somaliland oo hadda ay socoto hawshiisii, oo ay ka mid yihiin salaadiin, Wasiirro, iyo masuuliyiin kale,  kuwaasi oo ka gay qaatay midho dhalka heshiiskii Universal iyo Xukuumada Somaliland, mar labaad waxaan odhan lahaa Telefeshinka Universal waxa uu dawlada iyo shacabka Somaliland u hayaa qadarin iyo xishmad,”Ayuu yidhi Mulkiilaha Universal.

Leave a Reply