Hay’adda PENHA Oo Hargeysa Ku Qabtey Tababar Saabsan Sidii Loo Cidhib Tiri Lahaa Geedka Garan-Waaga

0
689

Hay’adda horumarinta reer Miyiga ee PENHA, ayaa siminaar laba maalmood socday todobaadkii hore Hargeysa ku qabatay ayaa waxa lagu soo bandhigay cilmiyadii ay deegaano badan oo reer Somaliland ahi ka dhaxleen mashruuc ay Hay’addani u fidisay oo ku saabsan sidii loo cidhib tiri lahaa geedka Garan-waaga ah iyadoo laga manaafacaadsanayo, waxaana siminaarkan ka soo qayb galay masuuliyiin Ka socday wasaaradaha Somaliland Iyo sidoo kale saraakiil ka kala socotay hay’addaha Caalamiga ah ee xafiisyada ku leh Hargeysa iyo Ururada Wadaniga ah ee Somaliland.
Wasaaradaha kulankan ka soo qayb galay ayaa kala ahaa, wasaarada deegaanka Iyo horumarinta reer miyiga, Wasaarada Beeraha, Wasaarada Xanaanada Xoolaha, wasaarada arrimaha gudaha iyo wasaarada shaqada Iyo arimaha qoyska Somaliland, sidoo kale haayada iyo ururada ka soo qayb ayaa waxay kala ahaayeen FAO,Candle Light,DRC,IFAD,FDS,Somtrag, Deegaan Network iyo ILO, kuwaasi oo dhamaantood ka qayb qaatay doodo kulankan lagu lafo guray oo ku saabsan sidii geedka Garanwaaga ah looga dhigan lahaa wax la manaafacaadsado maadaama oo aanay jirin qaab kale geedkaasi deegaanka looga saari karaa.
Furitaankii waxaa khudbad qiime leh kulankan ka soo jeedisay Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo Shugri X.Ismaaciil Baandare,waxay aad u aamantay Hay,adda PENHA,waxaanay hadalkeeda ku bilawday “geedkaa maanta kol hadii loo soo fadhiistay oo inteenaas oo dhami u soo fadhiisatay waxaad moodaa in la gartay, sida Penha ay soo bandhigtay geedkii Waxa uu noqday geed si weyn Faa’iido u leh,Waxaa inaga maskaxdeena ku soo horaysay in geedkani khasaare u leeyahay geeska oo dhan iyo Somalilandba,waayo,xoogbaan loo darsin,waxaan soo jeedinayaa inaan olole qaran qaadno oo geedkaasi la manaafacaadsado,Inbadan ayay wasaaradu ka hadashay,in dhuxul wanaagsan laga shidi karo,in qori laga samaysan karo,in xaabo uu noqon karo,maantana Penha Budhadhkii iyo wax kale oo laga samaynayo ayay inoo soo bandhigtay,waxaan leeyahay wasaarada Arimaha Gudaha qorigii waa inaan ku badelnaa Budhadhkaa yar yar ee gaagaaban ee kuwii bilayska ah ee maanta ay soo sameeyeen Tuulooyinka Dheenta,Awbarkhadle Iyo Diinqal,geedkii qaaliga inagu ahaa ee aan dhuxusha ku dabar jaraynay waa inaan ku badelnaa garanwaaga oo aan dhuxusha ka shidanaa”.
Waxa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaynasa oo ku saabsan mashruucan geedka Garan-waaga ah lagu tir tirayo siminarkan ka soo jeedisay madaxa Haayada PENHA ee Somaliland iyo Soomaaliya Sacdiya Muuse Axmed,waxanay hadalkeeda ku bilawday sidan “waxaan idinku soo dhawanaynaa kulankan aan saaka iskugu nimid oo runtii ka hadlaya siyaasada iyo sidii aynu wax uga qaban lahayn geedka la yidhaahdo garan waaga oo aad iyo aad u fidaya dadkuna ay arkaan dhibaatadiisa oo aanay arag faa’iidadiisa ayaan doonaya maanta bal inaan isla eegno,faa’iidooyinka uu leeyahay,waxaan kale, sidii aanu Somaliland uga bilawnay Xafiiska PENHA ilaa sanadkii 2000-ka, waxaanu runtii Xidhiidh la lahayn haayada Deegaanka Iyo horumarinta reer miyiga, waxaa kale oo aanu la shaqaynaa wasaaradaha Beeraha, Xanaanada Xoolaha, Kaluumaysiga iyo wasaarada Biyaha oo iyaguna ka mid ah wasaaradaha wax soo saarka Guud ahaan, maanta waxaan ku faraxsanahay inay maanta wasaarada Deegaanka Wasiir ka tahay wasiirada garanaysa oo fahamsan Waxa ay tahay Deegaanku”.
Madaxa Mashaariicda Hay’adda PENHA Mrs. Amsale Shibeshi, ayaa iyaduna waxay si kooban uga hadashay sidii ay uga soo shaqeeyeen mashruucan mihiimka ah ee lagu dabar jarayo geedka garan waaga ee looga manaafacaadsanayo iyo sidii ay Ururka Tawfiiq ee dalada isku taga saddexda urur Tuule ka samaysan ay ugu tababareen wax soo saarkan ay ka soo diyaariyeen geedka garan waaga ah, Mrs Amsale, waxa kale oo ay aad ugu mahad naqday masuuliyiintii Hay’addaha dawlada iyo kuwa caalamiga ah ee ka soo qayb galay Kulankaasi,  waxa kale oo kulankan goobjood ka ahaa Madaxa Xafiiska Hay’adda Penha ee Wadanka Sudan Mrs. Nuha Hamed Talib oo ah masuuliyad takhasus ka qaabka geedkan Garan-waaga ah loola macaamili lahaa ee looga tir-tiri lahaa deegaanka oo kulankan u timid sidii ay xafiiska Hargeysa u siin lahayd faa’iidooyin dheeraad ah, waxa iyaduna kulanka Dokomenti ka diyaarinaysay Mrs. Nine Mocior oo wadanka Poland u dhalatay, kana socotay FDS oo Poland ah, oo mucaawida reer Poland soo gaadhsiiso Somaliland iyo Soomaaliya.
 

Leave a Reply