Mucaaradka Yemen oo Saxiixay Heshiis

0
461

Mucaaradka Xuutiga ee Yemen ayaa saxiixay heshiis ammaan oo qayb ka ah heshiis nabadeed oo la saxiixay toddobaadkii hore. Heshiiska ayaa waxaa dhexdhexaadinayay Qaramada Midoobay.
Wakaalada wararka ee qaranka ayaa sheegtay, in mucaaradka uu aqbalay inuu hubka dhigo iyo inay ka baxaan meelihii ay ka qabsadeen magaalo madaxda Sanca marka  la magacaabo Ra’iisalwasaare cusub.
Horaantii kooxda ku xidhan Alqacida ee Ansar al-Sharia, ayaa sheegtay inay ku qaadeen weerar sawaariiq meel u dhow safaarada Maraykanka. Waxay sheegeen inay ka aargudanayeen carruur ku dhimatay weerar uu Maraykanka Jimcihii ku weeraray waqooyiga Yemen, isagoo isticmaalay diyaaradaha aan cidna wadin.
 

Leave a Reply