Jabhad Taageertay Duqeynta IS

0
588

Afhayeen u hadlay jabhadda la magac baxday ciidammada xorta ah ee Suuriya, ayaa sheegay in jabhadiisa ay taageersan tahay duqeynta cirka ah ee ka dhanka ah xooggaga isku magacaabay Khilaafada Islaamka ee gudaha Suuriya, balse waxa uu intaa ku daray in uu ka soo horjeedo, ficil kasta oo dhibaateynaya shacabka.
Xusaam Al-Mari ayaa u sheegay warbaahinta  in dalalka Reer Galbeedka loo baahan yahay in ay duqeymo cirka ah ku qaadaan ciidammada dowladda Suuriya.
Afhayeenka ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay siiyaan jabhaddiisa hub casri ah, si ay ula dagaallamaan ururka la magaca baxay Khilaafada Islaamiga ah, isaga oo intaa ku daray in jabhadiisa ay ka dagaalyahanno badan yihiin xooggaga Daacish ee ku sugan gudaha Suuriya.
Mr Xusaam ayaa sheegay in jabhadiisa ay hadda laba aag dagaal kaga furan yahay.
 

Leave a Reply