Muuqaalka Ganacsiga Caasimada

0
613

Marka aad eegto Guud ahaan suuqyada kala gadisan eek u yaala caasimada ayaa ah kuwo aad u mashquul ah oo ay boqolaal dad ahi is waydaaranayaan kuwaas oo isugu jira kuwo ganacsato ah oo iibinaaya alaabooyin kala gadisan iyo kuwo iyagu ka iibsanaaya oo usoo adeeg doontay.
Tilmaan iyo xusuusba waxa leh ganacsiga Somaliland halkii uu kazoo bilaabmay isagoo la kawsaday unkida adeegyada bulshada waxaana hadda ka muuqata inuu maalinba maalinta ka danbaysa uu yahay mid aad usii koraayay oo ganacsiyo aan dalka waagii hore ama sannadihii horeeto laga heli jirin uu hadda qofku isagoo aan dhib u marin uu heli karo.
Dadka iyagu ku ganacsada suuqyada kala duwan ayaa waxay isugu jiraan kuwo iibinaayo agabyo kala gadisan oo ka kala  yimid wadamo kala duwan waxayna dhaqaalaha kazoo gala ku maareeyaan noloshooda maalinlaha ah waxay ka helaan ganacsigoodu noocu doono ha ahaadee.
Ganacsatadan ayaa ah kuwo leh hami iyo hiigsiyo kala duwan oo ay ku rajo weyn yihiin inay ka gaadhaan ganacsigooda iyaga oo hiigsanaaya halka ay gaadheen in badan oo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalkeena oo iyaguba markii hore bartan ay hadda taagan yihiin ganacsatadan yaryari ka bilaabay maantana ah kuwo ganacsigoodu aad u balaadhay.
Maymuuna  waa gabadh dhalinyaro ah waxay suuqa ku iibisaa alaabooyin yaryar oo ay ka mid yihiin kabuhu, waxay Maymuuna  ayaa sheegtay inay si aad ah ugu qanacsan tahay ganacsigan ay ka ganacsanayso inkasta oo uu yahay mid dakhligiisu aad u kooban yahay waxay sidoo kale sheegtay inay ka biiliso qoyskooda.
Sidoo kale Waris  oo iyana ka mida dadka aadka u tirada badan ee ku ganacsada suuqa ayaa iyana sheegtay inay si aad ah ugu qanacsantahay ganacsigeeda kuna han weyntahay inay gaadho meel ka saraysa halka ay joogto waayo waxay tidhi waxaan hiigsanayaa halkii ay mareen ganacsatada manta caanka ah oo iyaguba halkan iyo meelo ka hooseeya ka bilaabay ganacsiga gaadhayna meel aad u saraysa.
Iyadoonay yarayn dhibaatooyinka soo waajaha ganacsatada kala duwan laakiin waa kuwo la socda wakhtiyada isbedelaaya, Ayaanle Cali oo ka mid ah ganacsatada suuqa waaheen ayaa isagu waxa uu aamin sanyahay inay jirto farqi u dhaxeeya ganacsigii hore iyo kan manta waxaanu sheegay inuu ganacsigii hore ahaa mid kooban oo uu qof walbaaba ku fikiraayay inu abuuro mid ka duwan ganacsigan agtiisa ka jira qofka haystaana uu ahaa mid ka faaiida laakiin hadda waxa jirta mid taas ka duwan oo qof kastaaba waxa uu ku  fikirayaa inuu furto ganacsi la mid ah kan agtiisa ka furan waxaanu aaminsan yahay inuu ka faa’iidi doono sida uu kan kalaba uga faa’iido laakiin taa waxa u dhaami lahayd isaga oo furta tu taas ka duwan.
Haddaba aad ayay u badan yihiin waxyaalaha intan danbe ay dadkeenu ka ganacsadaan waxaanay in badan oo ka mid ah dadku aad uga ganacsadaan gaadiidka oo si aad ah ugu soo badanaaya dalka .
Sanadihii la soo dhaafay waxaa magaalooyinka Somaliland gaar ahaan Caasimadda Hareysa ku soo badanayey ka Ganacsiga Gaadiidka noocyadiisa kala duwan sida Baaruurta yaryar ee lagu Raaxaysto,kuwa waaweyn ee qaada Xamuulka iyo kuwa kale Nuucii ay doonaan ha ahaadeen.
Hadaba waxa jira dad aad u fara badan oo ka ganacsada keenista gaadiidkan iyo kuwo iyagu sii iibiya oo looyaqaan dilaaliin.
Maxamed waxa uu ka mid yahay dadka keena gaadiidka waxaanu barnaamijka u sheegay inuu ganacsigan kusoo dhex jiray muddo badan oo keeno ka dibna dib usii iibiyo. Waxa uu yidhi: “ waxaan baabuurta ka keenaa oo aan u dirsadaa magaalada Dubia kuwaas oo la soo saaro maraakiibta ka dibna markay halkan timaado ayaan sii iibiyaa”. Mar uu ka hadlaayay waxa uu ka faa’iido ayaa uu yidhi: “ kolay  waxay ku xidhan tahay hadba siduu suuqu yahay oo marna markiiba waa lagaa iibsanayaa marna wuu kugu jabayaa oo qiimihii aad soo sii satay mid ka hooseeya ayaad  sii siinaysaa oo waad ku khasaaraysaa kii aad diraysayna waxaad ku daraysaa lacag. Waxayna fiicanyihiin xiliyada ay dadku dibadaha kazoo noqonayaan, xiliga ay ugu xun yihiina waa xiliga ay dadkaasi noqonayaan”.
Guud ahaan ganacsiga dalkeena ayaa ah mid si aad ah loo dareemi karo hour marka uu ku talaabsaday sannadihii tagay. Qaar ka mid ah dadka ayaa  kuu sheegaya inuu ganacsigu meel fiican maraayo mar kastana laga gudbaayo marxalad waayo waxa hadda jira iskaashatooyin wadaaga ganacsiyo kala duwan in kasta oo aanay tani aad u badnayn.
Balse waxa jira dhibaatooyin aad u badan oo baryahan danbe ay wadayaasha gaadiidka yar yare e caasimada dhexdeeda ka shaqaystaa ay la kulmaan taas oo ah in laga kiraysto gaadhiga marka uu meel durugsan geeyana ay isku dayaan qaarkoodna ay dhacaan in ay ka qaataan wixii yaraa ee uu maantoo dhan shaynaayay, waana arin muddooyinkii u danbeeyay soo noqnoqonaysay, inkastoo ay haayadaha amaanku ay hadda ku jiraan heegan sare oo ay gaaf wareegaan xaafadaha dhexdooda gacantana ay kusoo dhigeen tuug aad u tiro badan.

Leave a Reply