Kenya oo Dhaqaalaheeda Sare u Kacay

0
432

Dowladda Kenya ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo inuu sare u kacay heerka ay kaga jirtay dhaqaalaha adduunka, iyadoo hoos ka soo kacday kana mid noqotay wadammada uu soo galo dakhliga dhexdhexaadka ah.
Waxa ay dib u xisaabisay qiimaha alaabadeeda ganacsi iyo adeegyada, ama wax soo saarka guud ee dalka, iyadoo isticmaalaysa hab cusub.
Dhaqaalyahanada ayaa aad ugu faraxsan arrintan, waxayna filayaan in  si sax ah loo soo bandhigo inta uu dhab ahaantii gaadhsiisanyahay dhaqaalaha Kenya.
Qaar ka mid ah qeybaha ugu faa’idada badan dalka Kenya sida isgaarsiinta iyo dhismaha ayaanan horay loogu daran tirada markii la xisaabinayey inta uu gaadhsiisan yahay daqaalaha dalka.
Tirooyinka cusub ee soo bixi doona ayaa waxa la filayaa in ay muujiyaan in dhaqaalaha kenya uu galay kaalinta shanaad qaarada oo ay ka horeeyaan keliya Nigeria, Koonfur Afrika iyo Angola. Balse marka loo eego baaxada ay gaarsiisantahay shaqo la’aanta iyo heerka saboolnimo ayaa dad badan oo kenyaan ah waxa ay ka shakinayaan tirooyinka.
Khubarada ayaa sheegaya in heerka dhaqaalaha oo dib loo eego aanay micnaheedu ahayn in dhaqaaluhu uu gaadhayo dadka u baahan.
Dhinaca kale, khatarta ka dhalan karta ayaa waxay tahay in kenya ay lumiso lacagihii amaahda ahaa ee ay ka heli jirtay hay’adaha caalamiga ah ee bixiya deymaha, lacagahaas oo loogu tala galay in lagu kobciyo dhaqaalaha waddamada soo koroya.
Waddamada badan oo afrika ah ayaa dhowaantan dib u eegayey qaabka ay u xisaabaan dhaqaalahooda, arrintaas oo sida uu tilmaamayo bangiga Horumarinta Afrika in ay muujin doonto in guud ahaan dhaqaalaha Qaarada Afrika in uu ka xooganyahay sidii markii hore loo haystay.

Leave a Reply