Raila Odinga oo Fagaare lagu Garaacay

0
417

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya ayaa meel fagaara ah lagu garaacay, isagoo ka qeybgalayey olole siyaasadeed.
Nin oday ah ayaa ka soo dhexbaxay dadkii fagaaraha ku sugnaa oo waxaa uu ul la dhacay Raila Odinga.
Laba jeer ayuu la haleelay usha ka hor inta aanay xakamayn ilaalada Raila Odinga.
Ninkaasi odayga ah ayaa isla markiiba la sii daayay isagoo loo maleeyay inuu qabo cudurka dhimirka.
Balse mar  dambe ayaa la  ogaaday in xaaska ninkaasi ay ka mid ahayd dumar kulanka ku  soo bandhigayey cayaar dhaqameed.
Raila Odinga ayaa la cayaarayey dumarkaasi, xilliga uu ninka odayga ah karbaashka la dhacayey.
Ninka odayga ayaa  sheegay in xaaskiisa aanay fasax ka qaadanin ka hor inta aanay Raila kala qeybgelin cayaar dhaqameedka.

Leave a Reply