Madaxweynaha Cusub ee Afgaanistaan oo Heshiis la galay Maraykanka

0
391

Madaxweynaha cusub ee Afghanistan ayaa heshiis dhanka ammaanka, oo uu diiday ninkii ka horreeyey, la saxiixday Maraykanka, heshiiskaasi oo uu hore u diiday madaxweyne Xaamudkii ka horeeyay .
Arrintan ayaa imaanaysa maalin kaddib markii uu awooda uu kala wareegay Xaamid Karzai.
Xidhiidhka labada waddan ayaa sii xumaanayey tan iyo markii uu diiday madaxweynihii hore ee Xamid Karzai in uu saxiixo heshiskaasi.
Heshiiska ayaa waxa uu oggolaanayaa in ku dhowaad 10,000 oo ciidanka Maraykanka ah ay ku hadhaan dalka Afghanistan marka uu dhamaado sanadkan 2014, oo lagu wado in ciidanka Mareykanka laga soo saaro dalkaas.
Ashraf Ghani ayaa loo dhaariyey in uu noqdo madaxweynaha cusub ee dalka Afghanistan, kaddib bilooyin muran xooggan uu ka taagnaa cidda ku guulaysatay doorashadii la qabtay.
Waxa uu beddalay Xaamid Karzai, oo hoggaaminayey dalkaasi 12 sano.
Madaxweyne Ghani waxa uu hoggaamin doonaa xukuumad loo wada dhanyahay, oo uu kala qeyb qaadanayo ninka ay sida xooggan ugu murmeen natiijada doorashada ee Cabdalla Cabdalla.
Mar uu ka hadlayey xafladii caleema saarka ayaa Mr Cabdalla waxa uu sheegay in labaduba ay haatan yihiin hal koox oo ay doonayaan in ay isla shaqeyaan.
Weriye ku sugan Kabul ayaa sheegay  in dib u dhaca ku yimi in la sameeyo dowladda cusub ay saameyn ku yeelatay dhaqaalaha, isla markaasina ay dhiiriggelin u noqotay Ururka Talibaan oo haatan fulinaya weeraradii ugu cuslaa ee ay qaadaan tan iyo markii xukunka laga tuuray 2001-dii.
Madaxweynaha Cusub Ashraf Ghani ayaa sheegay in loo baahanyahay in la sameeyo isbaddel wax ku ool  ah si loo xaqiijiyo in Afghanistaan laga hirgeliyo nabad waarta.
Waxa uuna tilmaamay in isbaddel lagu sameeyo dastuurka dalkaasi, ay tahay arrin muhiim ah.
 

Leave a Reply