Hoggaamiyaha Hong Kong oo ku Baaqay inay Dadka Dibadbaxayaa kala Tagaan

0
369

Hoggaamiyaha Hong Kong  CY Leung  ayaa ku booriyay dibad baxayaasha dimuqraadiyad doonka ah in ay si degdeg ah u joojiyaan dibad baxyadooda  taabacsan dimuqraadiyada, iyada oo ay jamaahiir tiro badani sii wadaan in ay qeybo dalka ka mid ah curyaamiyaan.
Kumanaan tobnaad oo dad ah ayaa xayiray jidadka goobo dhawr ah.
Booliska ka hortaga qalalaasaha ayaa wadooyinka isaga tagay kaddib markii habeeen hore ay isku dhaceen booliska iyo debed baxayaasha oo doonaya in shiinaha uu siiyo madax banaani buuxda Hong Kong oo ay ku soo dooran karto hoggaamiyaheeda 2017. Haseyeeshee Shiinaha ayaa taasi diidan.
Dhinaca kale, Shiinaha ayaa sheegaya in aanu u dul-qaadan doonin taageero dibeda uga timaada dhaq-dhaqaaqyada uu ku tilmaamtay kuwa sharci daro ah.
 

Leave a Reply