Ardayda Hong Kong oo Ballanqaaday in ay sii Xoojinayaan Mudaharaadka

0
436

Bannaanbaxayaasha ardayda  Hong Kong  ayaa ballanqaaday in ay ku tallaabsadaan dibadbaxyo xooggan oo dimuqraadiyad doon ah haddii aanu arrimo fuliyaha  njasiiradaasi  CY Leung is casilin.
Hoggaamiyaha ardayda  Lester Shum ayaa sheegay inay mudaharaadayaashu ay sii bilaabi karaan in ay qarqiyaan oo buux dhaafiyaan dhismayaasha haddii aanu  Mr Leung  xilka iskaga tegin khamiista maanta.
Kumanaan kun oo qof oo dibedbax dhigaya ayaa weli ku sugan faras magaalaha Hong Kong, inkastoo Madaxa hay’dda fulinta ee Hong Kong C.Y Leung uu jeediyey baaq cusub oo ku doonayo in la soo afjaro dibed baxa.
Televishenka ayaa waxa uu ka sheegay in Shiinaha aanu ka tanaasuli doonin sharciga awood u siinaya Shiinaha in uu ansixiyo cidda hoggaanka u qabanayso Hong Kong doorashada xigta ee la qaban doono 2017.
Dibedbaxayaasha ayaa haatan dalbanayaan in uu xilka baneeyo Mr Leung oo ay u arkayaan in uu yahay shaqsi u adeegaya danaha Shiinaha.o

Leave a Reply