Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Taliyihii Saldhigga Arabsiyo iyo Askarigii Toogtay Oo Lagu Xukumay Dil

0
509

Hargeysa(Dawan):- Alle ha u  naxariistee waxaa shalay aas qaran loogu sameeyay xabaalaha Naaso-hablood ee magaalada Hargeysa Taliyihii saldhigga degmada Arabsiyo  Cabdi Ismaaciil(Cabdi Case)iyadoo Maxkamadda Ciidamadda qalabka  sida ee Somaliland-na ay isla   shalay dil ku xukuntay askarigii toogtay sarkaalka geeriyooday oo lagu magacaabo Mawliid Maxamed Suudi.
Aaska Marxuum Cabdi Ismaaciil(Cabdi Case),ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),Wasiirro,Taliyeyaasha Ciidamada,saraakiil,xildhibaanno,salaadiin iyo dadweyne aad u tiro badan oo dhammaantood Marxuumka Illaahay uga baryay inuu naxariistiisa jano  ugu deeqo.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici) oo ugu horrayn ka hadlay jinaasadii aaska Marxuum Cabdi Case Alle ha u naxariistee ayaa yidhi. “Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waxaynu joognaa jinaasada aaska Marxuum taliye Cabdi Ismaaciil marka hore waxaan Illaahay uga baryaynaa in uu marxuumka janadii  Fardawsa ka waraabiyo oo uu dambigiisa dhaafo, qaranka Somaliland oo uu ka baxayna ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo,waxaan ka tacsiyaynaynaa  guud ahaan Somaliland,gaar ahaan ciidanka booliska oo uu ka baxay iyo eheladiisa iyo gaar ahaan qoyskiisa  ka baxayba waxaanan ilaahay uga baryaynaa in ilaahay cawil khayr qaba ugu bedelo,gacan ka xaq daran ayaa dishay .”
Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole,ayaa isna dhankiisa tacsi u diray guud ahaan shacabka Somaliland oo ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii Booliska degmada Arabsiyo Marxuum Cabdi Ismaaciil(Cabdi Case) waxaanu Marxuumka Illaahay uga baryay in uu   janada ka waraabiyo.
 
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Xagla Toosiye,ayaa isna tacsi qaran u diray guud ahaan bulshada Somaliland,ciidanka Booliska iyo qoyska uu ka baxay Marxuum Cabdi Case,waxaanu booliska Somaliland ku ammaanay siday gacanta ugu dhigeen gacan ku dhiiglihii dilka geystay. “Waxaan Tacsi u dirayaa dhammaan bulshada Somaliland oo uu ka baxay taliyihii saldhigga degmada Arabsiyo Cabdi Ismaaciil Cali,waxaa uu ka geeriyooday qaranka Somaliland,waxaan illaahay uga baryayaa in uu u naxariisto oo uu dambigiisa dhaafo,waxaanan qaranka Somaliland,booliska iyo qoyska uu ka baxaybaALLE  uga baryayaa in uu samir iyo iimaan ka siiyo,waxaan ciidanka booliska ku ammaanayaa in ay markiiba gacanka ku soo dhigaan oo ay qabtaan gacan ku dhiiglihii taliyaha dilay.”
“Waxaa innagu soo kordhay dhacdooyin aynaan hore u lahayn oo ah in saraakiisha ciidanka  la laayo, waxaa hore laba sarkaal loogu dilay degmada Qorilugud waxaanan rejaynayaa in dhacdadaa foosha xumi innaga soo afjaranto,xukuumad ahaanna waanu ka xun nahay in saraakiisha ciidanka la toogto waxna waa laga qabanayaa sarkaalkanna waa la hayaa gacan ku dhiiglihii dilay,sida aaska looga soo wada qayb galayna waxay marag ka tahay sida ay dawlad iyo shicib-ba dhacdadan looga wada xumaaday,waxaanan rejaynayaa  in xukun ay ku qancaan qaranka Somaliland iyo ehelada Marxuumkuba ay ka soo baxdo Maxkamdda gacanta ku haysa kiiska gacan ku dhiiglaha oo socota,”ayuu yidhi Wasiir Xaglatoosiye.
 
Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa dhankiisa isna tacsi qaran u diray guud ahaan qaranka Somaliland,gaar ahaan ciidanka Booliska ee uu ka baxay qoyskiisa iyo dhammaan ehelada uu marxuumku ka geeriyooday. Waxaa kale oo  aaskii Marxuum Cabdi Ismaaciil Cali Taliyihii saldhigga Booliska degmada Arabsiyo ka hadlay Taliyaha Booliska Somaliland,xildhibaanno  culimo awdiin iyo dadweyne aad u tiro badan oo dhammaantood marxuumka Illaahay uga baryay in uu janadiisa ugu deeqo. Geesta kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliland,ayaa fadhi ay yeelatay shalay dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle Mawliid Maxamed Suudi oo ay sheegtay inuu maxkamadda ka hor qirtay inuu isagu dilkaasi fuliyay.
By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply