Magaceeda Ayaa Ciqaab Usoo Jiiday

0
452

Dalka Usteraliya waxay dhibaato weyn ku haysataa gabadh yar oo magaceeda la yidhaado ISIS, magacan oo ah ka ururka ka dagaalamaya Ciraq iyo Suriya.
Denbiga gabadhan yar lagu cadaadinayo aya ah inay la magac tahay kooxdaasi. Kuwaasi oo magacooda marka luqadda Englishta lagu soo gaabiyo aha ISIS.
Aabaha dhalay gabadhan yar ayaa cadeeyay  inuu isagu magacan ISIS  u bixiyay sideed sanadood ka hor.
 
Aabahan  ayaa cadeeyay  inuu magacan ugu xulay isagoo ka soo qaatay  sanamadii ay caabudi jireen Masaaridi hore mid ka mid ah oo loo odhan jiray ISIS.
Waxaan uu dunida ka codsaday in aanay  kooxadan ugu yeedhin magaca ISIS. Waxaana uu intaasi raaciyay  gabadhiisa yar  inay dhibaato haysato oo xataa asxaabteedi ay u iman waayeen ka dib markii ay  ka dalabadeen inay iska bedesho magaca ISIS.
 

Leave a Reply