La Xidhiidh Dareenada!

0
1132

Maadada ugu muhiimsan ee aad ku kordhin karayso hanaanka sawirashada caqliga iyo ku dhegista odhaah dhabnimadeedu, waa xamaasadaynta joogtada ah ee aad ku samayso weedhahaaga iyo muuqaalada caqligaaga. Qaaciidada guushu waxay odhanaysaa:

Waaqicaagu waxa uu ka ratibmaa Fikir lagu dhuftay Caadifad= (W= FxC).

Fikirka ama humaaga hadafka aad rabto, oo lagu dhuftay caadifadda rabitaankaas iyo xiisaha ku lifaaqani, waxa ay xadididi doonaan dhakhsaha soo muuqasho ee hadafkaaga. Mar kasta oo ay sarre u kacdo awoodda xamaasadaynta hadaf, sawirashada caqli ama ku dhegista odhaah dhabnimadeedu, waxa sidoo kale sarre u kacda tamarta amarka aad dirayso; waxana sii kordhaya dhakhsaha saamayneed ee uu ku yeesho caqliga aan soo jeedin (subconscious mind). Marka aad leedahay rabitaan culus oo holcaya oo ku salaysan hadaf, noocuu doonoba ha noqdo’e, waxa aad dhalisaa tamar gudeed oo xamaasadeed iyo go’aan qaadasho hore kuu hoggaamisa; kuuna ogolaata ka soo kabashada caqabad kasta oo jiifta jidka aad ku sii socoto. Ugu horrayn isku day in aad fahanto dareenada kuwa kale.

Xidhiidhada aad la leedahay dadka kale, qodobka ugu muhiimsan ee guushu waa sifada dareen la wadaagista. Taasi macnaheedu waa u halgamidda in aad dareento, qof kale sida uu dareemayo. Sida Steven Covey uu sheegay, “Ugu horeyn isku day in aad fahanto, si laguu fahmo.”

Mid kamida siyaabaha dhakhsaha badan ee aad uga soo kaban karayso khajilaad kasta oo laga yaabo in aad dareentaa waa adiga oo su’aallo weydiiya qofka kale; intaa kadibna isku daya in aad fahanto dareenada iyo baqaha dhabta ah ee kuwa kale. Kolka ay hadlayaan si degan u fadhiiso oo si taxadar leh u dhuux una dhegayso jawaabahooda. Waydii su’aallo kale oo dheeraad ah oo la xidhiidha mawduuca, oo hubi in aad fahantay. Dib u soo celi wixii ay sheegeen si loogu kalsoonaado in aad fahantay. Sida Coah Lou Holtz uu sheegay, “Qof walba su’aashiisa koowaad ee shareerani waa: miyaad i danaynaysaa?” dhegaysiga aad dhegaysataa waxa uu muujiyaa in aad qofkaas danayneyso.

Dadka intooda badan waxa mashquulisay naftooda iyo waayaha noloshooda ku xeeran, sidaasi darteed, waa kuwo fiiro yar siiya fahanka iyo dareen la wadaagista kuwa kale. Laakiin taa ka soo horjeedkeeda, haddii aad dareen la wadaagto kuwa kale, adiga oo isku dayaya in aad fahanto baqahooda; weydiinayana su’aallo oo dhegaysanaya waxa ay ka hadlayaan, way ku jeclaan doonaan; waxayna baahi u qabi doonaan in ay iskaashi kula sameeyaan. Albaabo badan ayey kuu furi doonaan; waxayna iibsan doonaan waxa aad iibinayso, laakiin dareensii in ay muhiim yihiin.

Dareen la wadaagista dadka kale waa qayb kamida xeerka is waydaarsiga caadifadaha. Xeerkani waxa uu yidhaahdaa, “marka aad samayso ama aad tidhaahdo waxyaabo dadka kale ka dhigaya kuwo nafahooda wanaag ka dareema; iyaguna sidoo kale waxa ay samayn doonaan taas badalkeeda.

Marka laga yimaado wax kasta oo kaleeto, waxa dad oo dhammi ay rabaan waa iyaga oo dareema in ay muhiim yihiin. In la qiimeeyo oo weliba la abaal mariyo, in ay dareemaan bay doonaayaan. Waxa had iyo goor ay ku hawlan yihiin in uu horumar samaynayo in la dareensiiyo ayay doonayaan. Dadka in ay ka duwan yihiin in la dareensiiyo ayey doonayaan. Ugu horrayn waa in aad siiso waxa ay mudan yihiin mar kasta oo aad la kulanto.

Kaliya hadaad dooneyso in ay dadku ku jeclaadaan, ku tixgaliyaan; kuula dhaqmaan si fiican, qof kasta oo aad la kulanto ula dhaqan si isku mida. Hadaad rabto in ay dadku ka hadlaan waxyaabo sarre u qaadaya sharfidda naftaada, fursad kasta uga faa’iidayso in aad kuwa kale ka tidhaahdo waxyaabo sare u qaadaya sharfidooda nafeed. Raadi siyaabo sababaya in ay dadku isjeclaadaan, in faro badan.

Noloshaada, dadka aad in faro badan jeceshahay waa kuwa marka aad la kulanto ku dareensiiya in aad tahay qof muhiim ah. Sidaasi darteed, qof kasta oo aad la kulanto, raadi hal shay oo wanaagsan oo aad ku tidhaahdo, halkaa shay oo ah mid qofkaas dareensiin karaya in uu yahay qof wanaagsan oo muhiim ah. habdhaqankani waa ka lafdhabarta u ah xidhiidhada ugu wanaagsan ee bani’aadamka dhexmara.

Kulan kasta oo aad cid la yeelaneyso, qaado go’aan ah inaad noqoto qof togan. Wixii doonaaba ha dhacaane, hore kasii go’aanso in aanad weligaa cidna ka aargoosaneyn, cambaarayneyn ama aanad ka cabaneyn. Haddii aanad odhan karin wax wanaagsan, waxnaba ha odhan. Dhanka kale, waanaaji muuqaaga sarre. Muuq ahaan habka aad u labisan tahay wuu ku saacidi karaa ama wuu ku carqaladayn karaa. Muuqaalkaaga duleed waa qodob muhiim ah oo door ku leh guushaada. Mararka qaar, muuqaalkaaga duleed waxa uu dhisi karaa ama burburin karaa xidhiidh ganacsi oo muhiim ah.

Inta badan dadku waa indho ku garaadle. Fursada mar ku soo martaa lagama yaabo in ay weligaa ku soo marto, si aad xusuus ugu reebto indhaha kuwa kale. Dadku badanaaba dadka cusub ee ay la kulmaan way shaandheeyaan; waxna way ka aaminaan, iyaga oo kala hubsanaya in ay muhiim yihiin iyo in kale. Habkani waxa uu u dhacaa si lama filaan ah; waxana laga yaabaa in aynaan kuba baraarugsaneyn. Laakiin marar badan sida dhacda waxa aynu samaynaa go’aan degdeg ah marka ugu horreysa ee aynu qof la kulanno. Laakiin Wixii intaa ka dambeeya, is aragaas koowaad wuxuu fikiradeena iyo dareenadeenaba ku reebaa raadayn xeeldheer oo ku aadan qofka aynu la kulanay.

Cilmi-baadhis arrintaas laga sameeyay waxa ay muujineysaa, in dadku ay kaa qaadan karaan sawir guud isla afarta ilbidhiqsi ee ugu horreeyaba. Dadka maskaxdoodu waa sida sibidh engagaya; afarta sikin ee ugu horreeyaana waxa ay reebaan xusuus. Sibidhku wuxuu ku adkaadaa ku dhawaad 30 ilbidhiqsi, intaa kadib, ku-qiimeeyuhu waxa uu raadin doonaa waxyaabaha kugu saabsan si uu u sababeeyo aragtida koowaad ee uu kaa aaminay. Hanaanka aadanaha caqligiisu u qaabaysan yahay darteed, dadku waxay isticmaalaan hab gaar ahaaneed oo ay wax u qiimeeyaan; waanay iska indho-tiri doonaan ama diidi doonaan qodobada ama cadaynta aan waafaqaynin wax ay hore u go’aansadeen rumeyntiisa.

Dadka meelmarka ahi inta badan waa kuwo muuqaalkooda duleed wacan yahay. Marka ugu horeysa ee ay cid la kulmaan ma aha kuwo jaanis laga heli karo. Waa kuwo muuqaalkooda duleed aad uga taxadara. Waa kuwo si taxadar leh u daraaseeya dadyawga kale ee meelmaray; sidooda oo kalena u labista. Waa kuwo si joogto ah u dhugta kuwa ka sarreeya shaqo ahaan; waxana ay u halgamaan sidooda oo kale in ay u muuq wacnaadaan.

Waxa xaqiiqo ah in aad raaxo badan dareemi doonto marka aad la tacaamulayso dad aan wax badan kaaga duwaneyn; waana sidaas xaalka qof waliba. Haddii aad dooneyso dadka muhimka ahi in ay ku raaxaystaan la macaamilkaaga, u labiso sida ay u labistaan; una horumari naftaada habka ay nafahooda u horumariyaan. Haddii aad dooneyso in aad noqoto qof si mug leh loo qadariyo, waa in aad u muuqato sida qofka ay tahay in si mug leh loo qadariyo.

 

Qore: Maxamed C/Kariim Axmed (Shiil)

Leave a Reply