SOW GARAN MAYSID?

0
1270

Hargeysa (Dawan) Waa maqaal uu Suxufi iyo Abwaan  Siddiiq Burmad  ka qoray Sanadkii 2016 Safiya Cali Yuusuf oo ka mid ah haldoorka iyo Tiirarka Warbaahinta Somaliland.

Kahor dagaalkii dalka lagu xoreeyay waxa ay ahayd mid ka mida wariyayaasha ugu da’da yare e ka shaqaynayay idaacada Radio Hargeysa.

Markii dagaalku dalka ka qarxay 88kii dadkiina uu magaalooyinka ka qaxay safiya ma qixin ee dagaalkii socday ilaa kow iyo sagaashankii ayay la dhamaysatay oo halganka ayay dhankeeda kaga jirtay.

Safiya Cali Yuusf hal mar may tagin manay arkin meel qaxooti joogaan manay noqon qaxooti.

Waxay ahayd inanta kaliya ee ka shaqayn jirtay kana hadli jirtay idaacadii SNM’ta ee magaalada balligubadle intii dagaalku socday.

Doorka ay halganka ka qaadatay warbaahinta uun kuma koobnayn ee waxay dawayn jirtay dhaawacyada ragga dagaalka kusoo dhawaacma.

Safiya kalkaaliya caafimaad iyo dhakhtarnimo midna hore umay baran kumanay shaqayn jirin kahor dagaalka. Markii aragtay duruufta iyo baahida loo qabo cid badbaadisa dhaawaca ayay ka qayb qaadatay tababar kalkaaliyaal caafimaad oo si kooban jabhadda in kamida lasiinayay. Maalintaa wixii ka danbeeyayna sidaas ayay ugu shaqaynaysay dhaawaca una dawayn jirtay idaacada barnaamijyada iyo wararka ugu samaynaysay.

Xaalada nolosha ee jabhada halganka ku jirta waxay ahad mid aad u adag.

Nin nin katagay uunbaa xamili karayay lkn safiya cali way xamishay waanay la dhamaystay.

Safiya cali yuusuf ilaa imika waxay kashaqaysaa radio hargeysa oo waxay kamid tahay wariyayaasha hibada saxaafadeed iyo waayo aragnimada isku darsaday.

Sow maad dhagaysan marka ay warka akhriyayso? Yaa leh ee kale codka nool ee qofka dhagaysanaya ku khasbaya inuu sii dhagaysto una saa maxaya inuu shaki la’aan wada fahmo nuxurka warka een safiya ahyn.

Hadii aad mar uun dhagaystay wartabinteeda kolay codkeeda ka dhex heshay in qofnimadeedu tahay qof nool, dhiiran, oo indheergarad ah.

Wariye Sidiiq Maxamed Burmad Cadaad.

Leave a Reply