Nin Baad Ku Urursada Internet-ka Oo La Xidhay

0
416

Waxa u suurta gashay ciidaanka amaanka ee Urdun inay helaan isla markaana ay xidhaan nin u dhashay dalkaasi oo caado ka dhigtay in hablaha uu sawiradooda helo baad kaga qaado Internetka.
Ka dib markii ay ciidmada booliisku ee  u tababaran heliddda denbiyada iyo hanjabaadaha  ka dhaca interntka ay soo qabteen. Ninkan ayay ka soo ashkatoodeen hablo dhawr ah oo aan is ogayn.
Ninkan  ayaa hablaha u sheegi jiray isagoo xidhiidh kala samaynaya aalada interntka inuu yahay  Injiner haysta shirkad weyn isla markaana uu yahay guurdoon.  Waxaana uu marka danbe ka codsan jiray inay sawirkeed u soo dirto.
Fal geystahan ayaa marka uu helo gabadha sawirkeed bilaabi jiray  hanjabaad iyo inuu dhaleecayn iyo ceeb ku samanayo sawirkeeda haddii aanay bixin lacagta uu codsanayo.
Sarkaal u hadlay ciidanka Urudn ee qaabilsan baadhista  iyo daba galka denbiyada Technolgiyada casriga ayaa cadeeyay  inay mar danbe xaqiijiyeen goobta uu kala hadlayo gabadh ay iyagu u direen oo isaga dhigaty mid siinaysa baada uu rabo, sidaasi ayay  ku soo qabteen. Waxaana afhyeenku sheegay inuu ninkani  ahaa mid aan xaas lahayn , shaqo aan hayn ,isla markaana waxbarashada kaga tegay dugsi dhexe oo aan aqoon intaasi ka badan lahayn.
 

Leave a Reply