Xukuumadda Oo Sharaxay Shaqadda Ciidamadda ilaalinta Amaanka Shirkadaha Shidaalka

0
433

Hargeysa (DAWAN): Wasiir ku xigeenka maamulka ee  wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland  Md. Cismaan Garaad Soofe, ayaa sheegay  in   ciidanka loo samaynayo ilaalinta amaanka shirkadaha shidaalka  (OPU) inay yihiin ciidamo dawladda ka tirsan oo hoos yimaadda wasaaradda  arrimaha gudaha isla markaana  ka amar qaata taliyaha  ciidamadda booliska.
 
Cismaan Garaad Soofe, waxa uu tilmaamay  in aanay waxba ka jirin wararka ay dadka qaarkood ku hadlaan ee ah in ciidamadda loo samaynayo ilaalinta amaanka shirkadaha shidaalka baadhaya ay yihiin ajnabi ay been tahay, hase yeeshee ciidamadaasi ay noqonayaan kuwo hoos tegaya wasaaradda daakhliga.
 
Wasiir ku xigeenka maamulka ee  wasaaradda arrimaha gudaha, waxa uu sidaasi ka sheegay shir jaraa’id oo ay shalay   wada jir ugu  qabteen magaaladda Hargaysa isaga iyo xubnaha gudidda qandaraasyadda qaranka.
 
 
Cismaan Garaad Soofe, isagoo arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Waxaynu leenahay ciidamo kala duwan oo wasaaradda arrimaha gudaha hoos yimaada, marka aynu booliska oo kale ka hadlayno qaybo kala duwan ayuu leeyahay  kuwaasina ciidamadda (OPU) waxay noqonayaan kuwo la mid, dad baa waxay ka hadaan ciidamada  OPU meelo kale  ayaa laga leeyahay oo  ajanabi ayaa leh, lagama laha waa ciidan laga leeyahay Somaliland, waa ciidan boolis noqonaya waa ciidan wasaaradda arrimaha gudaha hoos imanaya,  sida imikaba aynu u leenahay ciidamada booliska furucyo kala duduwan.  qaybi waa gaadiidka, saadka iyo waaxyo kale”.
 
Md Garaad, waxa kale oo   sharxaad ka bixiyay  waxa ay shaqadoodu noqonayso iyo halka laga xukumayo ciidamadaasi.   “Waxa uu noqonayaa unug ka mid ah ciidamada booliska markaa dadka iyagu ka hadlaya ama ka fekeraya waa ciidamo cirka iyo dhulka meel kale ka yimid oo  ma aha waa unug ka tirsan ciidamada booliska oo yeelan doona hogaankooda, nidaamkooda iyo sharciyadooda oo aanu cadaynayno si cad hoos imanayaan doonaan taliyaha  ciidamada booliska iyo wasaarada arrimaha gudaha”. Ayuu yidhi Md. Cismaan  Garaad Soofe.
 
 
Sidoo kale  Md.  Soofe,   waxa uu ka hadlay sida loogu baahan yahay in   khayraad dabiiciga ee  dalka looga faa’iidaysto iyo  sida ay muhiin u tahay in la soo saaro.  waxaanu xusay in xukuumada  u soo jeedsatay sidii looga faa’iidaysan lahaa khayraadka dihin ee dalka.
 
 
Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi“Dalkeena waxa uu Illaahay ku maneystay khayraad dabiici ah oo aad iyo aadna u dihin, loona soo jeestay sidii looga faa’iidaysan lahaa saati oo ah siyaasad qaran. Waayo dal marka uu khayraad lee yahay khayraadkiisaa dhulka ku jira uu iska duugnaado oo halkaa uun aan laga rawaxine laga faa’iidaysto, runtii muddo faro badan ayaan laga faa’iidayan khayradkaa oo sidii uu ahaa aan lasiin muhiimad. Hase ahaatee xukuumada maanta jirta ee uu hogaaminayo madaxwayne Axmed Siilaanyo waxay u soo jeesatay sidii looga faa’iidaysan lahaa khayradkaas ummadu dhakada uun ay kaga taagan yihiin.
khayradka marka laga faa’iidaynayo waxaa loo bahan yahay dhowr arrimood ayaa muhiim ah in lamaro, waxaana ka mid ah, in la helo khayradkaas marka la soo saarayo shirkado ayaa ka shaqeynaya shirkadaha ka shaqeynaya in loo tabobaro ciidamo gaara oo illaaliya nabad galyada. Ciidamadaasi waxay noqonayaan ciidamo si gaara u yaqaan illaalinta dhulka laga qodo khayraadka sida caalamka kaleba uu u samaysan yahay”.
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply