Xabaal Wadareed laga helay Mexico

0
412

Dawladda Mexico waxa ay sheegtay in ay xabaal wadareed ka heshay duleedka magaaladii laga waayay afartan iyo saddexda arday bishii hore.
Saraakiishu waxa ay sheegeen in aysan ogayn in maydadkaasi ay godka ka heleen ay yihiin ardaydii la la’aa.
Ardaydaasi waxa ay u socdaaleen magaalada Iguala, ee ku taala badhtamaha Mexico, si ay uga qaybgalaan mudaaharaad ku saabsanaa takoorka lagu sameeyo macalimiinta miyiga.
Booliiska ayaa basaskooda xabado ku furay waxaana ku dhintay lix qof.
Markii u dambaysay ee ardaydaasi la arko booliiska ayaa qasab ku saarayay basas yaryar oo ay booliisku leeyihiin.
 

Leave a Reply