Aabe ka Codsaday Daacish siideynta wiilkiisa

0
385

Dhammaadkii  fiidiyowga Jimcihii  ay beehiyeen khilaafada Islaamka ee muujinayay dilka Alan Henning oo u dhashay Britain, waxay ku caga-jugleysay kooxda inay dili doonaan nin kaloo reer galbeed ah, kaas oo ay ku sheegeen in lagu magacaabo Peter Kassig, oo u dhashay Mareykanka.
Aabaha dhalay ninkaasi, Ed Kissig, waxa uu dowladda Islaamka ka codsaday inay wiilkiisa u naxariistaan oo ay siidaayaan.
Britain ayaa ku dhawaaqday in dilka Alan Henning ee dowladda Islaamka inuu ahaa ficil laga argagoxo oo dareen la’aan ah.
Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa sheegay in dowladdiisa ay adeegsan doonto wixii karaankeeda ah si loo helo dilaayaasha Mr Henning.
Xagjiriinta kooxda dowladda Islaamka ayaa siidaayay fiidiyow muujinaya iyagoo qoorta ka jaraya lahayste u dhashay dalka Britaine oo lagu magacaabay Alan Henning.
Mr Henning, oo 47 sano jir ahaa, sidoo kalena ahaa taksiile, ayaa la qabsaday bishii Desember, ee sanadkii tagay, xilli uu ka mid ahaa koox dareewalo ah oo kexeynaayay kolonyo gaadiid gargaar u siday Suuriya.
Dowladda Islaamka, oo dhul badan ka haysata Ciraaq iyo Suuriya, waxay  hore u dileen laba weriye oo u dhashay Mareykanka, iyo David Haines oo u dhashay Britain kana shaqeyn jiray howlaha gargaarka.
Weriyayaasha waxay sheegayaan in ninka wejiga duuban ee dilay Alan Henning uu la mid yahay kii madaxa ka jaray seddaxdii hore, kaasi oo luqadiisuna ahayd british.

Leave a Reply