Af-hayeenka WADDANI Oo Ciidanka Qaranka Ugu Baaqay In Aanay Ka Amar Qaadan Xukuumadda Somaliland

0
366

Hargeysa ( Dawan)-Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI  Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa  ayaa Ciidammada Qaranka ugu baaqay in aanay ka amar qaadan xukuumada Somaliland,  oo uu sheegay in aanay waxba u soo sidin waxna ugu maqnayn. Dhawaaqaasi oo ah mid fadeexad weyn ku ah xisbigaasi oo beryahan dambe si joogto ah u laasimay inay farogeliyaan waxna ka sheegaan ciidammadda noocyadooda kala duwan.
Mr Buubaa  oo Isniintii  qaar ka mid ah saxaafadda ugu waramayey  magaalada Hargeysa, waxa uu intaas raaciyey  in aanay  jirin xukuumad ay Ciidammada Qaranku isku haleeyaan, oo ay wax ka sugaan,  isaga oo isla mar ahaantaasna   Ciidamada  Qaranka  u soo jeediyey in  aanay wax awaamiir  ah ka qaadan , Xukuumada Somaliland ee ka tallisa dalka, balse ay  iyagu is difaacaan oo amaankooda ilaashadaan,  kana amar qaataan Taliyeyaashooda oo keliya. “Waxaan  leeyahay  Ciidankoow ma jirto xukuumad idiin soo socota oo aad wax ka sugtaane’ idinku isku tashada oo amaankiina ilaashada,  Xukumadda haatan jirtana ha isku halaynina   oo waxba ha ka sugina, waxna ha ka qaadanina ee amnigiina suga, oo waxaad fulisaan awaamiirta Taliyeyaashiina oo keliya, cid kalena ha ka amar qaadanina ee ka amar qaata madaxdiina oo keliya,” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga Waddani.  Af-hayeenka Xisbiga Waddani oo hadalkiisu  u muuqday mid qayb ka ah oo lagu taageerayo  shirqoolada kala duwan ee cadawga Somaliland iyo kuwa la afkaarta ahi ugu xusul duuban yihiin  in ay ku  minjo xaabiyaan  nabadgelyada ay reer Somaliland haysataan, iyo Qorsheyaasha horumarineed ee xukuumada Somaliland ugu talLo-gashay in ay  ku soo saarto khayraadka dihin ee dalkeenna ALLE ku manaystay, si ay  muwaadiniinta reer Somaliland ee   saboolnimada iyo shaqo la’aantu daashadeen uga faa’iidaystaan, oo dhaqaale iyo shaqo abuurba uga helaan.   waxa  kale oo uu ka hadlay Xildhibaanku  Ciidanka OPU-da oo ah Ciidan Boolis ah oo   loogu tallo galay in ay ilaaliyaan amaanka iyo nabadgelyada shirkadaha shisheeyaha ah ee shidaalka wadanka ka baadhaya. Kuwaas oo  uu ku tilmaamay Ciidan Beeleed sharci darro ah oo ay cid gaar ahi samaysanayso. Sidaas awgeedna waxa uu shacbiga reer Somaliland ugu baaqay in aanay ogolaanin oo ay ka hor yimaadaan Ciidamadaas iyo shirkadaha ajanebiga ah  ee ay xukuumada Somaliland  heshiiska kula gashay in ay baadhaan, isla markaana soo saaraan shidaalka iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalkeenna ku jira. Isaga oo arrimahaas ka hadlayayna Mr Buubaa waxa uu yidhi “Ciidanka Cusub ee Madaxwaynaha somaliland Digreetada ku magacaabay ee la yidhaahdo  OPU –du Waa sharci darro,  oo sharci darradii hore ee uu ku dhaqmi Jiray ayuu  tana ku daray,  Sidaas darteed Ciidamadaasi waa Ciidan beeleed sharci darro ah oo ay cid gaar ahi samaysanayso,  shirkadahan shidaalka baadhaya ee ay xukuumadu heshiiska la gashay iyaguna waa sharci darro.  Sidaa daraadeed shacbiga waxaanu ku boorinaynaa, oo aanu u sheegaynaa in aanay ogolaanin ee ay diidaan, oo ay ka hor yimaadaan Ciidamadaas iyo Sharaa’igan  Shidaalka baadhayaba.”
Afhayeenka Xisbiga Waddani  Ibraahim Mahdi Buubaa oo ah wiil uu adeer u yahay ninka Somaliland diid-nimada ku caan baxay ee lagu magacaabo Ismaaciil Buubaa, ayaan la garanaynin in dhawaaqiisani yahay mid qeyb ka ah dagaalka uu adeerkii iyo cadawga uu daba-dhilifka u yahay kula jiraan   Qaranimadda Somaliland iyo inuu yahay hadal ka tarjumaya  siyaasada xisbiga WADDANI ee uu af-hayeenka u yahay, xisbigaas oo  muddooyinkan dambe  caado ka dhigtay  in uu ka hor yimaado, isla markaana si qaawan oo wadaniyada ka fog  u naqdiyo talaabo kasta oo  Ummadda wax loogu qabanayo, oo uu   qaranku xaga horumarka iyo wanaaga  u qaadayo.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply